Duqayn lagu dilay boqolaal ka tirsan maleyshiyada Al-Shabaab

Image
Ma shaacin dowladdu xogta ragga lagu dilay weerarkaasi, magacyadooda iyo waxa ay u qaabilsanaayeen kooxda.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn Sabtidii ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, gaar ahaan deegaanka Hareeri-Gubadle oo qiyaastii 20 KM dhanka Bari uga beegan deegaanka Wabxo gobolka Galgaduud.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Xoogga dalka iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka, iyada oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab sida warbixin ay soo saartay dowladda Fadeelka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu laayey illaa 200 oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida lagu shaaciyey bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Ma shaacin dowladdu xogta ragga lagu dilay weerarkaasi, magacyadooda iyo waxa ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lagu burburiyey saldhigyo ay kooxdu ku laheyd deegaanka la weeraray, isla-markaana lagu gaarsiiyey jab xoogan.

Dowladda Faderaalka ah sooma bandhigin cadaymo muujinaya sheegashadeeda ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM oo ku aadan duqeymahaasi laga fuliyey Galmudug.

Al-Shabaab sidoo kale kama hadlin weerarkaasi cirka ah ee ay dowladda Soomaaliya shaacisay in looga dilay xubno badan iyo saraakiil sar sare.

Mareykanka ayaa dhowaan dib u bilaabay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha dalka.

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa ku dhawaad 20 sano Soomaaliya ka gaysanay falal Argagixiso, oo lagu dilay kumaan qof oo isku jira rayid, shaqaale dowladeed, madax iyo saraakiil ciidan.

Mareykanka ayaa hadda ka fekeraya suurtagalnimada in uu dib u soo celiyo ciidamadiisa si ay gacan uga geystaan la dagaalanka argagixisada. Mareykanka ayaa Soomaaliya kala baxay in ka badan 700 oo askari sanadkii hore kadib wareegto kasoo baxday madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM