Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay Gedo [Fahfaahin]

Image

GARBAHAAREY - Diyaaradaha dagaalka ee militeriga Kenya ayaa duqeyn culus ka fuliyay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay maamusho Kooxda Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warisdaha Garowe Online inay maqleen ugu yaraan saddex Gantaal, kuwaasoo ay soo tuureen diyaaradaha dagaalka Kenya, inkastoo aysan caddeyn cida lala beegsaday.

Warar ayaa waxay sheegayaan in duqaynta ay ku dhaawacmeen saddex qof oo Rayid ah, islamarkaana ay burbur u geystay guryo ka sameysay Cowshado oo ay dugaashanayeen dadka oo reer baadiyo ah.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Kenya wali wax war ah kama aysan soo saarin duqayntaan la sheegay in diyaaradahooda ay ka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Ceel Cadde ayaa ah deegaankii lagu xasuuqay Askarta Kenya 15-kii January ee 2016 kadib weerar xooggan oo Kooxda Al Shabaab ku qaadey saldhig ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Balse, Al-Shabaab, oo deegaanada Gedo ku xoogan, oo war qoraal ah kasoo saartay, waxay ku beenisay in khasaarooyin ay kasoo gaareen weerarka duqeynta ah.

Ciidanka Kenya ee ku jooga Soomaaliya, magaca howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, ayaa inta badan ka geysta gobolada Gedo iyo Jubbooyinka weeraro dhanka cirka oo khasaaro kasoo gaaro Shacabka.

Duqayntaan ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Jubbaland, kuwa dowladda Federaalka, AMISOM iyo Mareykanka ah ay wadaan abaabulka guluf ka dhan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM