Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay Gedo [Fahfaahin]

Image

GARBAHAAREY - Diyaaradaha dagaalka ee militeriga Kenya ayaa duqeyn culus ka fuliyay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay maamusho Kooxda Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warisdaha Garowe Online inay maqleen ugu yaraan saddex Gantaal, kuwaasoo ay soo tuureen diyaaradaha dagaalka Kenya, inkastoo aysan caddeyn cida lala beegsaday.

Warar ayaa waxay sheegayaan in duqaynta ay ku dhaawacmeen saddex qof oo Rayid ah, islamarkaana ay burbur u geystay guryo ka sameysay Cowshado oo ay dugaashanayeen dadka oo reer baadiyo ah.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Kenya wali wax war ah kama aysan soo saarin duqayntaan la sheegay in diyaaradahooda ay ka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Ceel Cadde ayaa ah deegaankii lagu xasuuqay Askarta Kenya 15-kii January ee 2016 kadib weerar xooggan oo Kooxda Al Shabaab ku qaadey saldhig ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Balse, Al-Shabaab, oo deegaanada Gedo ku xoogan, oo war qoraal ah kasoo saartay, waxay ku beenisay in khasaarooyin ay kasoo gaareen weerarka duqeynta ah.

Ciidanka Kenya ee ku jooga Soomaaliya, magaca howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, ayaa inta badan ka geysta gobolada Gedo iyo Jubbooyinka weeraro dhanka cirka oo khasaaro kasoo gaaro Shacabka.

Duqayntaan ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Jubbaland, kuwa dowladda Federaalka, AMISOM iyo Mareykanka ah ay wadaan abaabulka guluf ka dhan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM