Erdogan oo shaaciyay inuu booqanayo Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Xasan iyo Abiy ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii qaraaraa ee u dhexeeyay muddo sannad ku dhow.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona Itoobiya iyo Soomaaliya horraanta sanadka soo socda 2025 ka dib markii uu dhex dhexaadiyay heshiis lagu soo afjarayo xiisadda labada dal ee deriska ah ee Geeska Afrika.

“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sanadka cusub,” ayuu ku qoray dhambaal uu kaga hadlay heshiiskii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray Ankara 11-kii December.

Xasan iyo Abiy ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii qaraaraa ee u dhexeeyay muddo sannad ku dhow ka dib wadahadal saacado qaatay oo uu dhexdhexaadinayey Erdogan, kaas oo ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Khilaafku waxa uu bilaabmay bishii January markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay maamulka Somaliland oo ay ka kiraysay dhul xeebeed iyo saldhig ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM