Erdogan oo shaaciyay inuu booqanayo Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Xasan iyo Abiy ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii qaraaraa ee u dhexeeyay muddo sannad ku dhow.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona Itoobiya iyo Soomaaliya horraanta sanadka soo socda 2025 ka dib markii uu dhex dhexaadiyay heshiis lagu soo afjarayo xiisadda labada dal ee deriska ah ee Geeska Afrika.

“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sanadka cusub,” ayuu ku qoray dhambaal uu kaga hadlay heshiiskii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray Ankara 11-kii December.

Xasan iyo Abiy ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii qaraaraa ee u dhexeeyay muddo sannad ku dhow ka dib wadahadal saacado qaatay oo uu dhexdhexaadinayey Erdogan, kaas oo ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Khilaafku waxa uu bilaabmay bishii January markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay maamulka Somaliland oo ay ka kiraysay dhul xeebeed iyo saldhig ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM