Ergooyinka Baydhabo ku shirsan oo ku gacan sayrey go'aankii DFS

Image

November 11, 2014 (GO)- Ergooyinka ka qayb gelaya shirka lagu dhisayo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo ka socda ayaa kasoo hor jeestey go'aankii shalay Dowladda Federaalku ku gaartey in mudo labo todobaad ah shirkaas la hakiyo, maadaama qaabka shirku u soconayo waxyaabo badani ka khaldan yihiin.

Qodobada Dowlada Federaalku saluugtay waxaa ugu muhiimsan qaabka loo marayo: xulista xildhibaanada baarlamaanka, ansixinta dastuurka iyo doorashada madaxda ugu sareysa maamulka Koonfur Galbeed. Qorshaha Dowladda ayaa ah in tirada ergada la kordhiyo islamarkaana lagu soo daro xubno ka socda maamulkii lixda gobol ee dhowaan Dowlada Federaalka heshiiska la saxiixday, kadibna ergadu ansixiyaan dastuurka. Sidoo kale Dowladda Federaalku waxay dooneysaa in odayaasha dhaqanku soo xulaan xubana baarlamaanka uu maamulkaasi yeelan doono kadibna xildhibaanadu soo doortaan hogaanka cusub ee maamulka.

Ergada ku shirsan xarunta CRD oo u badan madax-dhaqameed, aqoon yahan iyo siyaasiyiin islamarkaana qaba fikarado kuwa kor ku xusan aad uga duwan, waxay sheegeen in go'aankaasi yahay mid aan waxba ka bedeli karin habsami u socodka shirka iyagoo shaaciyey xiliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha oo noqonaya Khamiista soo socota taariikhduna ku beegan tahay November 13, 2014.

Wararka Baydhabo laga helayo ayaa intaas ku daraya in la bilaabay qabashada araajida murashaxiinta iyadoo siyaasiyiinta loo badinayo inay doorashada kusoo baxaan kamid yahay gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Shiriif Xasan Shiikh aadan xiliganna ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Gudigii Farsamada Shirkaas Dowlada Federaalku horay ugu xilsaartay ayaa sheegay inay shaqada ku wareejiyeen ergada, maadaama dadka goboladaasi xaq u leeyihiin inay si madax banaan ayahooda uga tashadaa.

Maalmo kahor waxaa la ansixiyey dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed yeelan doono iyo weliba magaalo madaxdiisa oo laysku raacay inay noqoto degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose. Baraawe waxaa lagu xushay maadaama ay tahay magaalo xeeb leh islamarkaana ku taal goob istaraatiiji ah marka loo barbar dhigo xarunta gobolka Baay ee Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM