Khaarijinta Aamina oo loo aqoonsaday "shirqool siyaasadeed"
MUQDISHO, Soomaaliya – Tiina Intelmann, ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo qoraal ku daabacdey ciwaankeeda Twitter-ka, ayaa ka tacsiyaysay geerida lama filaanka ah ee ku timid AUN, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo xalay lagu dilay magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ergayga Midowga Yurub ayaa sheegtay in Midowga Yusrub uu cambaaraynayo dilalka siyaasadaysan ee ka dhaca Soomaaliya xilligaan xaasiga ah ee dalku ku jiro doorashada Baarlamaanka iyo tan madaxtooyada oo waqtigoodii dib u dhacay.
"Rabshado ma ahan wado ay horay ugu dhaqaaqi karto Soomaaliya” ayay qoraalkeed ku tiri iyada oo hadalkeeda raacisay “ EU-da waxay cambaaraynaysaa weeraradda argagixisada iyo dilalka siyaasadeysan”.
Waxa ay hadalkeeda ku soo xiray Tiina Intelmann, ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya “Waxaan u tacsiyeynaynaa qoyska Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi".
Marxuumada ayaa markii ugu horeysay isku soo sharaxday baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2012-kii, iyadoo ka guuleysatay labo musharax oo kale iyada oo aysan jeclayn odoyaasha qaarkood in ay dumarku ku matalaan golayaasha dowlada. Aamino ayaa markale ku sanadkii 2016 difaacatay kursigeeda iyada oo ku soo baxday kursi loo xiray qoondo dumar.
Hadda oo ay ahayd 32 jir, isla markaana isu soo jiiday dareenka dadka madaamada ay u dooday xaquuqda Aadanaha ayaa waxaa cadaawad u qaaday maamulka uu hoggaamiyo Farmaajo oo ka jawaabi waayay su’aalo xiriira musuq maasuq iyo dilka Ikraan Tahliin oo lagu eedeeyay gacanyarayaasha madaxweynaha xilka ka siidagaya.
Hada waxa ay ehayd musharax xildhibaan. haweeneyda keliya ee ku jirta lix qof oo isku kursi ku tartamaya.
Xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Midowga iyo Nabadda ee hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud kana mid aheyd 81 haween ah oo sharci-dejiyayaal ah oo ku jira 275-kursi xildhibaan ee waqtigoodu dhacay ayaa lagu xasuustaa kaalinteeda difaaca xuquul insaanka.
Bilowgii bisha December, doorashada baarlamaanka ayaa marar badan dib u dhacday ka dib markii mucaaradku ay ku eedeeyeen madaxweynaha xilka ka dagaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed inuu kuraasta golaha shacabka u boobayo xulafadiisa siyaasadeed.
Farmaajo waxa uu raadinayaa mar labaad madaxweyne. Waxaa la doortay sanadkii 2017 ka dib markii uu balan qaaday in uu xaqiijin doono mushaaraadka ciidamada si joogta ah, doorasho qof iyo cod ah balse kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda oo Muqdisho laga saaray sanadkii 2011 ayaa awood u yeellay in weerarto goobaha sida wayn loo ilaaliyo iyada oo faa’iidaysanaysa fashilka amniga ee maamulka Farmaajo.
GAROWE ONLINE