Faah faahin: dagaal shalay duleedka Kismaao ka dhacay

Image

October 25, 2014 (GO)- Dagaalo culus ayaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay fidkii ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo gaar ahaan tuulada Biroole, dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ay tuulada ka ruqaansadeen cutubyo katirsan ciidanka Jubbaland oo ku wajahanaa qabshada deegaanka Buula-Xaaji.

Kooxo ka tirsan Al-shabab ayaa jidka u galay kolonyo ay wateen ciidamada Jubaland waxana halkaa ka dhacay dagaal socday mudo 7 saacadood oo soo gaaray xalay fiidkii dagaalka oo markiisii hore ka bilowday duleedka Biroole ayaa markii dambe gudaha tullada Biroole laysa soo galo tuuladaasoo Al-shabab gacanta ku dhigtay. Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo ay GO khadka telfoonka kula xariirtay ayaa u sheegay in Biroole ay qabsadeen Shabaab dhankoodana dagaalka kaga dhinteen 11 askari.

Biroole waxaa saaka gacanta ku haya Shabaab sidaa waxaa bogga GO u sheegay mid kamid ah dadka degan Tuulada Buula-Xaaji oo 20 km u jirto Biroole.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo socdaal ugu maqnaa deegaanka Raaskaambooni ayaa soo gaaray Kismaayo waxana uu maanta tuulada Turqato ee u dhow garoonka diyaaradaha Kismaayo  kula shirayaa saraakiisha ciidanka ee shalay ka dagaal galay Biroole ayadoo uu socdo abaabul lagu doonayo dib u qabsashada Biroole.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awoodeeda ciidan ka soo weecisay dhanka dhul beereedka uu maro wabiga Jubba halka ay awoodooda iskugu keeneen deeganada miyiga galbeed Kismaayo kaga beegan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM