Faah faahin: ujeedka dhabta ah booqashadii Xasan Sheekh ee Kismaayo

Image

December 18, 2014 (GO)- Madaxweynaha dowlada Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar aan horey loo sii shaacin ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha waxaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada Dowlada Federaalka iyo Jubaaland.

Soo dhoweyn kaddib, Madaxweynuhu uma gudbin gudaha magaalada wuxuuse garoonka dhexdiisa kula shiray madaxa iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Jubaland, wuxuu sidoo kale halkaas kula kulmay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM.

Sida Garowe Online xog hoose ku heshay ujeedooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh Kismaayo u tegey ayaa ahaa laba qodob.

Ujeedka koobaad ee safarka wuxuu salka ku hayey magacaabista Ra'isul Wasaaraha cusub ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo maamulka Jubba oo isagu u ololeynayey in lasoo magacaabo Xuseen Cabdi Xalane.

Kulankii maanta ka dhacay garoonka Kismaayo oo warbaahintu dibadda ka joogtey ayaa intiisa badan ahaa mid madaxda Jubbaland looga dhaadhicinayey sababihii kallifay in Cumar Cabdirashid loo doorto Ra'sul Wasaraha Soomaliya.

Ujeedka labaad ee Madaxweynuha Kismaayo u tegey ayaa ahaa sidii uu uga qayb geli lahaa xaflad lagu sagootinayey ciidamada Sierra Leone ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM oo iyagu dhowaan dalkooda hooyo dib ugu noqon doona.

Maaalmo kahor Kismaayo waxaa ka dhacay dabbaaldeg iyo rasaar fara badan oo  laga ridey xarumaha maamulka iyo saldhigyada ciidanka ee ku yaal Kismaayo, kaddib markii uu soo baxay war markii dambe beenoobay oo ahaa in Xuseen Xalane ra'isal wasaare loosoo magacaabay.

Maamulka Jubbaland ayaan ilaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin magacaabista Cumar Cabdirashiid arintaasoo loo fasirtay inaysan raali ka ahayn.

Wafidga Xasan Sheekh ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM