Faahfaahin : Ciidamada Jubaland iyo DFS oo isku horfadhiya Raskambooni, Dagaal la Filayo

Image

Raskambooni, Soomaaliya – Ciidamada Jubaland iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa isku horfadhiya agagaarka garoonka diyaaradaha Raskambooni, iyadoo xaaladda ay ku dhowdahay in isku dhac hubaysan uu ka qarxo. Labada dhinac ayaa ciidamo tiro badan u daabuley halkaas, taas oo abuurtay xiisad cusub oo ka dhalatay doorashada Axmed Madoobe oo markale loo doortay madaxweynaha Jubaland, doorasho ay Dowladda Federaalka ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka ee GorGor, oo tiradoodu gaarayso 180 askari, ayaa shalay ka degay garoonka diyaaradaha Raskambooni. Waxaa la sheegay in ay la socdaan maleeshiyaad hore uga goostay Jubaland, kuwaas oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Fanax. Howlgalka ay ciidamadu halkaas ka wadaan waxaa maamulaya taliyaha ciidamada lugta, Sahal Cabdullahi Cumar “Khaalid,” iyadoo ay amar ka haystaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhanka Jubaland, maamulka ayaa 300 askari oo ka yimid dhinacyada badda iyo dhulka ku daad gureeyay agagaarka Raskambooni. Ciidamada dhinaca badda ka yimid waxaa hoggaaminaya sarkaal magaciisa lagu sheegay Niiniile.

Xogta ayaa shegeeysa in Raskambooni adag tahay inuu gaaro gadiidka dagaalka oo farabadan ciidanka isku horfadhiya u badan yihiin kuwa Lugta oo wata hubka moocyadiisa kala duwan ee la qaadan karo. 

Xiisadda oo Ka Dhalatay Doorashada Axmed Madoobe

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) mar kale loo doortay madaxweynaha Jubaland, doorasho ay Dowladda Federaalka ku tilmaantay mid aan sharci ahayn. Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku eedaysay Axmed Madoobe inuu jebiyay qodobo dastuuri ah iyo shuruuc doorasho, waxayna ku amreen xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka inuu dacwad ku soo oogo.

Baaq Nabadeed oo Caalami ah

Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa xalay soo saaray baaq wadajir ah oo ku saabsan xiisadda ka taagan Raskambooni. Waxay ku booriyeen dhinacyada isku haya in la dejiyo xaaladda, isla markaana wada-hadal loo maro xalinta khilaafaadka, si looga fogaado dagaal hor leh oo dib ugu celin kara Jubaland xaalad qasan.

Xiisadda ka taagan Raskambooni, oo ah magaalo muhiim ah oo ku taal koonfurta Soomaaliya, ayaa ah mid sare u qaadaysa walaaca laga qabo in isku dhacyo cusub ay ka dillaacaan gudaha Soomaaliya. Ciidamada labada dhinac ayaa wali isku horfadhiya garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin xiisadda sii kordhaysa.

Raskambooni, oo ah goob ku taal koonfurta ugu fog Soomaaliya kuna dhow xadka Kenya, waa goob leh muhiimad istaraatiiji ah, maadaama ay ku taal meel muhiim ah oo isku xirta xeebaha Badweynta Hindiya iyo gudaha Jubaland. Labada dhinac ee isku haya magaalada waxay u arkaan goob muhiim u ah saameynta siyaasadeed iyo amniga Jubaland.

Garowe Online ayaa si dhow ula socota xaaladda.

Related Articles

AS oo ku dhawaaqday in hogaamiye sare looga dilay duqeyn

Kooxdan ayaa mudo badan waxay dagaal kula jirtaa dowladda Soomaaliya oo taageera ka helaysa Mareykanka.

  • Soomaliya

    26-12-2024

  • 12:37PM

Masar Oo Wacad Ku Martay Inay Difaacayso Badda Soomaaliya

Masar ayaa aad uga soo horjeeda inay Itoobiya soo gaarta badda Cas, maadaama labada dal uu khilaaf ka dhaxeeyo.

  • Soomaliya

    26-12-2024

  • 11:24AM