Fadhiga baarlamaanka oo furmey iyo mooshinka oo la qaybiyey

Image

December 2, 2014 (GO)- Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa ku guuleystey inuu xildhibaannada u qaybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha ee horraantii bishii November ee lasoo dhaafay in ka badan 100 xildhibaan soo gudbiyeen.

Fadhiga baarlamaanka maata oo 207 xildhibaan soo xaadireen wuxuu ku bilowday jewi aad uga duwan saddexdii fadhii ee ugu dambeeyey ee baarlamaanku yeeshay, maadaama haba yaraate wax buuq ahi dhicin waraaqaha mooshinkana loo qaybiyey dhammaan xildhibaannada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka furay ayaa u mahadceliyey xildhibaannada oo sida uu sheegay tanaasulaad badan sameeyey si shaqada baarlamaanku horay ugu soo socoto.

Jawaari ayaa intaas kadib faah faahin ka bixiyey ajendayaasha fadhigan looga doodi doono oo kala ah mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyo ansixinta miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2015.

Fadhiga baarlamaanka ayaa fawdo iyo buuq kusoo dhamaaday saddex mar oo hore oo Guddoonka Baarlamaanku isku dayey inuu qaybiyo mooshinka, kadib markii qaar kamid ah xildhibaannada oo mooshinkaas sharci darro u arkayey kulanka carqaladeeyeen.

Sida xeer hoosaadka baarlamaanku dhigayo, xildhibaannada waxaa fursad loo siinayaa muddo shan maalmood ah si ay mooshinka ugaga baaraan degaan ugana doodaan iyadoo intaas kadibna codka kalsoonida loo qaadi doono Ra'iisul Wasaaraha. 

Ka doodista mooshinka ayaa bilaabmi doonta labo maalmood kadib ( Khamiis, December 4, 2014) iyadoo Sabtida soo socotana codka kalsoonida loo qaadi doono xukuumadda.

Sanad kahor ayey ahayd (December 2, 2014) markii Baarlamaanka Dowladda Federaalku kalsoonida kala noqday xukuumaddii uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM