Fadhigii Baarlamaanka Federaalka oo maanta dib u furmi doona

Image

Novmeber 15, 2014 (GO)- Iyadoo weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka u dhexeeya mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowladda Federaalka iyo weliba mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa maanta la filayaa in fadhigii baarlamaanku mar kale dib u furmo.

Fadhiga ayaa qaab fawdo ah kusoo dhamaaday Talaadadii lasoo dhaafay [November 11, 2014] markaasoo xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinku diideen in baarlamaanka loosoo gudbiyo mooshinkaas oo sida ay ku doodayaan ah mid aan sharci ku salaysneyn.

Sida la filayo kulanka maanta ayaa noqon doono mid ka xamaasad badan kii hore, waxaana cabsi weyn laga qabaa in xildhibaanada qaarkood gacmaha isula tagaan maadaama marba marka ka dambeysa labada garab ee baarlamaanku sii kala fogaanayaan.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa  si dadban fariin ugu diray Ra'iisul Wasaaraha iyo xildhibaanada taageersan, wuxuuna sheegay in isaga iyo xulafadiisu ka laaban doonin go'aankii hore islamarkaana ku niyad jabi doonin buuqii ka dhacay baarlamaanka.

Hadalka Xasan Sheekh oo sida muuqata guubaabo u ah xildhibaanada mooshinka soo gudbiyey wuxuu horseedi karaa in xaaladu sii xumaato. Ciidamo boolis ah oo tiro badan ayaa maanta ku sugan xarunta baarlamaanka si hadii xaaladu faraha ka baxdo u xakameeyaan.

Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay mooshinka xiligan laga keenay xukuumada, maadaama sida la saadaaliyey talaabadaasi horseedi doonto in khilaafka siyaasadeed ee jiraa sii xoogeysto islamarkaana dib u dhacaan qorsheyaal badan oo la fulin lahaa inta ka horeysa sanadka 2016. 

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka Baarlamaanka Federaalka ee maanta dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM