Fadhigii Barlamaanka Somalia oo maanta mar kale fashilmey

Image

Sabti, Nov 15,2014 [GO]- Kulankii Barlamanka dowlada Federaalka oo loo balansanaa maanta ayaa mar kale fashil kusoo dhamaadey kadib markii Xildhibanada tageersan Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh is-hortaageen inuu furmo.

Gudoomiyaha Barlamanka Jawaari ayaa fadhiga damcey inuu furo saacada geeska africa markey aheyd 12:30pm balse markii Xildhibaanada istaageen ayey waxey qaadeen heesta calanka taasoo lagu celceliyey in muddo ah.

"Xildhibaanada diidan mooshinka ka dhanka ah Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa markii ay hoolka soo galeen Gudoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen istaagay, iyagoo bilaabay inay ku qeyliyaan heesta Calanka “Soomaaliyay Toosow” waxaana Gudoomiyaha uu ka codsaday inay fariistaan oo uu shirka furo, balse ay ka dhaga adeegeen". Sidaas waxaa GO u sheegey Xildhibaan ka tirsan Barlamanka oo khadka taleefanka kula hadley 

Inta uusan furmin fadhiga Barlamanka Somalia ayey Xildhibaanada lasoo galeen hoolka shirarka boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhagyo kala duwan kuwasoo kala ahaa; Qof ama Qaran, Badbaadi qaranka, Soomaali waa xor iyo erayo kale.

Gudoonka Barlamaanka aaya isaga baxey hoolka shirarka aqalka mudanyaasha kadibna Xildhibaanada ayaa ku kala tagey kulankii maanta la filayey in looga doodo mooshinka ka dhanka ah Ra'isal wasaaraha Somalia.

Magaalada Muqdishu ayaa xaley ilaa galinkii dambe waxaa ka socdey kulamo u dhexeeyey Gudoonka Barlamanka iyo madaxda sare ee dowlada Federaalka kuwaasoo guul-daro ku soo dhamaadey.

Madaxweynaha dowlada Federalka ayaa ku gacan sayrey inuu dib uga noqdo mooshinka ka dhanka ah Ra'isal wasaaraha Somalia halka wasiirka kowaad iyo golihiisa xukuumada sheegeen in talaabada lagu kala badaley golaha wasiirada aheyd mid Dastuuri ah.

Gudoomiyaha Barlamanka iyo ku-xigeenadiisa ayaa ka welwelsan in khilaafka u dhexeeya Madaxweyna Xasan Shikh iyo Ra'isal wasare Cabdiweli Shiikh saameyn ku yeesho aqalka mudanyaasha tasoo sababi karta in gabi ahaanba hay'adaha dowlaiga ah ee dalka burburaan.

Magaalada Muqdishu ayaa waxaa la filayaa iney soo gaaraan maalinta berri ah wufuud ka socota beesha caalamka kuwaasoo madaxda Somalida u sheegaya mowqifkooda ku aadan khilaafka siyaasadeed.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa dhinaca kale sheegaya inuu xumaadey xiriirka u dhexeeyey kooxda siyaasada ee Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiyaha Barlamanka kadib markii uu ku guuldareystey inuu dajiyo aqalka wakiilada shacabka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM