Fahad iyo Farmaajo oo gannay "haraatidii ugu dambeysay"
MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa digniin qeyrul caadi ah oo ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Mahir.
“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.
Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.
Haraatidii iyo kaarkii ugu dambeeyay
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin.
Dadka ka falceliyay qoraalka NISA ayaa ku tilmaamay jahawareerin siyaasadeed xilli ay hay’adu lumisay kalsoonidii lagu qabay maadaama falal amniga iyo xuquuqda aadanaha liddi ku ah lagu eedeeyay Hay’adaan oo ku milantay siyaasadda tan markii Farmaajo loo dhiibay hoggaanka dalka sanadkii 2017.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka falceliyay qoraalka NISA ayaa sheegay in uu fahamsanyahay in NISA ay maleegayso qorshayaal halis badan.”Khamiistii ayaan sheegay in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Rooble. Boor isku qariska NISA waxay cadeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday!” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Warka NISA wuxuu abuurayaa tuhun ku saabsan qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay, iyo haddii digniintan ay horudhac u tahay isku day la doonayo in lagu beegsado ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ah ee Rooble ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniintan, balse xiriiro la samaynay xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda ayaan ku ogaanay in xafiisku soo saari doono qoraal uu uga hadlayo hadalka NISA.
Dhawaqa NISA ayaa u muuqda haraatidii ugu dambeysay ee kooxda Farmaajo si ay cadaadiska ugu kordhiyaan xoogaga siyaasadeed ee kasoo horjeeda una meelmariyaan qorshahooda oo loo maleynayo in uu si buuxda u soo shaac-bixi karo 12-ka bishan April, maalinta ciidanka xoogga.
GAROWE ONLINE