Fahad oo ka dhex ‘dukaameysanaya’ musharxiinta madaxweynaha
MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka ayaa bilaabay in ay qarsoodi ah waliba habeen saq dhexe ula kulmaan Fahad Yaasiin Daahir, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.
Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo beegmaya xilli ay gabagabo mareyso xulista xubnaha Golaha Shacabka. Wadahadalada waxaa la sheegay in ay daarnaayeen iskaashi cusub iyo cidda badaleysa Farmaajo.
GO ayaa fahansan in xubnaha la kulmay Fahad uu xiriir saaxiibtinimo kala dhaxeeya kahor doorashadii 2017-dii ee taageeradda Qadar ay u suurtagelisay Farmaajo in uu madaxtooyadda la wareego.
Saddex illo wareedyo kala duwan ayaa u sheegay mareegga GO in Fahad uu ka dhex "Dukaameysanyo' musharaxiinta cusub". Tani waxay ka dhigan tahay in uusan bartilmaameedkiisa koowaad ahayn Maxamed Farmaajo.
"Isaga [Fahad] wuxuu quudareynayaa in uu isbedel ku sameeyo qorshihiisa kahor inta aysan bilaaban doorashadda madaxtinimadda," ayuu yiri hal illo wareed oo kamid ah dhinacyada uu la hadlay Garowe Online.
Garowe Online ayaa fahansan in mid kamid ah xubnaha NISA ee kamid noqdey Golaha Shacabka loo xilsaarey "in uu kor-joogteeyo" dhaqdhaqaaqa Xildhibaanada laga soo doortey Koonfur Galbeed.
Xubintan oo lagu magacaabo Xaaji Aweys Cumar Maxamed ayaa "si toos ah warbixin ula wadaagaya Fahad Yaasiin Daahir" kaasoo guushiisa Xildhibaanimo la hakiyey balse wali olole siyaasadeed wadda.
Xaaji ayaa wararku waxay sheegayaan inuu magaalada Baydhabo ka kireystey Hotel halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xildhibaano laga soo doortey Baraawe.
Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayaa xogo lagu kalsoon yahay waxay u sheegayaan GO in agaasimihii hore diyaariyey koox bistoolad-leey kuwaas oo loo qorsheeyey iney cabsi galiyaan xildhibaanada cusub gaar ahaan kuwa Villa Somalia is leedahay waad la soo baxdeen.
Amniga guud ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu gacanta ugu jiraa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey iyo saxiibkiis iyadoo saraakiisha ciidanka inta badan ka amar qaatan.
Hay'adda NISA ayaa waxaa madax ka ah Fareey po dhowaan loo soo xuley xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ah.
Fahad oo horey u ahaa wariye ka tirsan Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Carabiga ayaa kursiga ka boobay Faarax Cabduqaadir kaasoo ay ganacsi ahaan xulafo yihiin balse ay siyaasadda ku kala duwan yihiin.
GAROWE ONLINE