Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Image
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa todobaadkan magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday dowladda Kenya.

Kulankan ayaa bilow u ahaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ee ku aaddan hannaanka doorashada.

Wafdiga Kenya oo ka kooban siyaasiyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Xoghayihii hore ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin, Ergaygii hore ee IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey, Senetarka ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow ayaa horay kulamo ula qaatay Madoobe magaalada Kismaayo. .

Iyadoo aan weli la shaacin faahfaahinta doodaasi, ayaa haddana Madaxtooyada Jubbaland waxa ay xaqiijisay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si shaqsi ah u codsaday inay Kenya ka caawiso dhex dhexaadinta khilaafka taagan.

Intii uu socday kulanka uu la qaatay Barre, sidda uu xafiiskiisu sheegay, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, siyaasadda, iyo ganacsiga.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Kenya ay siiso dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Hase ahaatee, warar Garowe Online heshay waxay sheegayaan in wafdiga Kenya ay Xamse ku qanciyeen inuu ka baaqdo safar uu ku aadi lahaa Kismaayo iyo in ay xukuumadiisu joojiso talaabooyinka xasaradaha abuuraya sida abaabulka ciidamo, siyaasiyiin weerara Axmed Madoobe iyo in ay hakiso dhamaan wax walba arrimaha muranka sii xoojiyay.

Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeystay kadib markii Jubbaland ay hal dhinac u magacawday guddiga doorashada, waxaana tallaabadaas ka hortimid dowladda Federaalka.

Khilaafkan ayaa cirka isku sii shareeray markii Madoobe uu ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

Axmed Madoobe ayaa dalbaday in Puntland iyo SSC Khaatumo lagu daro, iyadoo Puntland ay weli sii waddo inay qaadacdo shirarka NCC oo ay isku khilaafsan yihiin maamulka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM