Faransiiska oo taageeray damaca Itoobiya ee raadinta marin badeed

Image
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa hadalkan si rasmi ah ugu dhawaaqay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan helitaanka badda iyada oo laga wadahadlayo lana ixtiraamayo shuruucda caalamiga ah iyo dalalka deriska ah.

Macron ayaa hadlay Sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, Macron wuxuu soo dhaweeyay Baaqa Ankara ee ay gaareen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11-kii December

Bayaanka oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa lagu yiri: “Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay mar kale ku caddeeyeen ixtiraamka iyo sida ay uga go’an tahay midba midka kale madaxbannaanida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed, iyo sidoo kale mabaadi’da ku cad sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobay iyo Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika".

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la bilaabo "wada xaajoodyo farsamo" bisha Febraayo oo ku saabsan faahfaahinta marinka badda ee Itoobiya, iyo in wada-xaajoodyadaas uu fududeeyo Turkiga oo "lagu soo gabagabeeyo lana saxiixo" afar bilood gudahood.

Is-fahamkan ayaa wuxuu yimid kadib khilaaf sannad ku dhow u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo bilaabmay 1-dii Jannaayo markii heshisi kala saxiixdeen Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Itoobiya Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM