Farmaajo iyo Fahad oo lagu dacweeyay maxkamada ICC

Image
Xulafada Qadar ayaa loo haystaa dhibaatooyinkii ay ka geysteen Muqdisho shantii sano ee lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Korney Cabdullahi Maxamed Cali (Cabdullaahi Nasri) oo ahaa sarkaal ka tirsan sirdoonka Jubbaland, horayna loogu xiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatooyinkii loogu geystay xabsiga Muqdisho uu maxkamad caalami ah kula tiigsanayo Farmaajo iyo saraakiishii u qaabilsaneed sirdoonka.

Cabdullahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kullane, Yaasiin Farey, Cabdiraxmaan Dheere, Ibraahim Macalin iyo Axmed Carab oo dhamaantood ahaa saraakiishii NISA ee xabsiga ku dhibaateysay ninkaan uu ku dacweeyey maxkamadda dembiyada adduunka ee ICC.

Sarkaalkaan ayaa horay muuqaaladiisa loogu baahiyey barnaamijka Hanoolaato ee Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi, isagoo ka sheekeynaya tacadiyadii ay NISA ugu geysatay godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lugaha uu ka naafoobay.

Sidoo kale Korneyl Cabdullahi wuxuu sheegay in qorshihii koowaad ee maxkamadda ICC uu cadeymaha dhibaatadii loo geystay ugu gudbilahaa uu meel fiican u marayo.

Dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta qaar ayuu uga mahad celiyey inay ku garab istaageen, sidii uu cadaalad u heli lahaa, isagoo Allaah naxariistiisa uga baryey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka balan qaaday inay baarlamaanka cusub hor geyn doonto kiiskiisa.

Cabdullaahi Nasri ayaa sidoo kale sheegay in safaarado badan oo reer Galbeed ah ay la soo xariireen oo uu la kulmay, “Waxaan ka codsaday inay cadaaladda igu garab istaagaan, anigoo sarkaal Soomaaliyeed ah oo la igu dhibaateeyey awoodii dowladnimada ay ayagu taageeraan.” Ayuu yiri Cabdullaahi Nasri.

Cabdullaahi Nasri, oo ka soo muuqday bogga Hanoolaato horaantii sanadkaan ka sheekeeyay tacadiyo ay u gaysatay hay’adda NISA oo ka dalbatay duminta maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo ay qaraabo yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM