Farmaajo iyo Rooble oo ku sii kala fogaaday caraynta Madeira

Image
Dildilaacaan cusub ayaa ku biiriya khilaafkii horay ugu dhexeeyay madaxda sare ee dalka kaas oo ragaadiyay codaynta dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in Danjire Francisco Madeira oo ah wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya dalka laga cayriyay iyada oo loo qabtay inuu dalka kaga baxo 48 saacadood gudahood.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, waxaana qoraalka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha kasoo baxay sidoo kale lagu sheegay in wakiilka Midowga Afrika uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, iyada oo Ra'iisal Wasaare Rooble uu ka codsaday ururka Midowga Afrika inay dib ugu yeeraan Ambassador Francisco Madeira.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan hawlgalka cusub ee Midowga Africa ee ATMIS isla markaana ay sugayaan inay la shaqeeyaan madaxa cusub ee hawlgalkan.

Dhanka kala madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo  ayaa ku gacansayray, qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo dalka looga cayriyay, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira

“Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo danjireyaasha kale ee caalamka waxaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddooma Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha madaxbannaanida dalka” ayaa lagu cadeeyay qoraalka Villa Soomaaliya oo soo baxay saacad ka dib qoraalka Rooble.

Farmaajo oo ay eheyd in uu xafiiska tago February 2021 ayaa hadalkiisa raaciyay “Go’aan kasta oo taabanaya xiriirka aan dunida la leenahay iyo joogitaanka Safiirada shisheeye ee dalka waa mid saameynaya iskaashiga aanu la leenahay caalamka, waana tallaabo u baahan in lagu saleeyo danta qaranka, kuna timaadda wadatashi”.

Dildilaacaan cusub ayaa ku biiriya khilaafkii horay ugu dhexeeyay madaxda sare ee dalka kaas oo ragaadiyay codaynta dalka. Madeira oo u dhashay dalka Mozambique ayaa loo magacaabay xafiiska bishii Oktoobar ee sannadkii 2015.

Waa sarkaalkii labaad ee ka tirsan Midowga Afrika ee ay dawladda Soomaaliya dalka ka caydhiso, iyada oo ay ahayd bishii November ee 2021 markii dalka laga eryey ku-xigeenkii ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Simon Mulongo.

Sidoo kale Bishii January ee sannadkii 2019, waxaa dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom uu yahay shakhsi aan Soomaaliya laga rabin iyagoo ku eedeeyey inuu "ku xad-gudbay hab maamuuska" iyo faragelinta arrimaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM

Dagaal U Dhexeya Ciidamada DFS iyo Jubbaland oo Ka Qarxay Baardheere, Gedo

Dowladda ayaa doonaysa inay degmooyinka Gedo kala wareegto maamulka Jubaland xili uu jiro khilaaf xoogan.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 07:44AM