Farmaajo oo ciidanka "ka dhex raadinaya Jabhad taabacsan"

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayaa ku guda jira maalmihii ugu dambeeyay xil-hayntiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdisalaan Guuleed, agaasime ku xigeenkii hore ee NISA oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Ciidanku uu dhawaa u kala bixi doono qaar jabhad ah oo ka amar-qaata Farmaajo iyo kuwa u hogaan-sama sharciga iyo dowladnimadda Soomaaliyeed.

Sarkaalkaan oo ka faalooda arrimaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo 2500 oo askari uu geeyay gobolka Gedo si loogu boobo kuraasta gobolka taalla iyada oo u jeedadu tahay in uu ka shaqeeyo isku dirka iyo kala gaynta dadka reer Jubbland ee wada daga goboladda Jubbooyinka iyo Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Guulleed ayaa sheegay in aysan wax suurta gal ah ahayn in Xijaar iyo saakiisha la mid ah ay dalka sii hoggaamiyaan amaankiisa maadaama ay dhex dhexaad ahayn siyaasada oo ay doonayaan in ay ku shaqeeyaan “Damaca guracan ee Farmaajo”.

“Ciidanku waxa ay u kala bixi doonaan labo meelood ciidan dabcan jamhad noqda oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la safta oo tuutaha ciidanka ha qabaan ama aysan qabine sheegta in ay ka amar qaataan Farmaajo iyo ciidan cadeeya in sharciga dalka u hoggaansamaaya oo ku shaqeeya nidaamka dowliga ah iyo sharciga dalka u yaalla” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

“Ciidanka sida uu Farmaajo u adeegsanayo iyo saraakiishooda in waa in wasiirka amniga, Ra’iisul wasaaraha iyo gudoonka golaha shacabka ay dadka u cadeeyaan in ay yihiin qaswadayaal dadka Soomaaliyeedna marqaati uga dhigaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa ku booriyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu si taxadar leh shaqada uga cayriyaan saraakiisha diiday in ay sharciga u hoggaansanaadaan.

Guulleed ayaa sheegay in ficiladii ugu dambeeyay sida weerarkii  lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo ka qeyb-galayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo laga soo doortay Jubbaland ay ehayd qorshe ka dhan ah doorashooyinka dalka.

Ciidankaas waxay ka tirsan yihiin NISA, waxaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.

Dhaarinta xildhibaanadaas waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo hal arrin oo Trump la xiriirta xilka uga qaadayo Axmed Maclin Fiqi - XOG

Arrintan ayaa sidoo kale imaaneysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii ay u sii adkeyn lahayd siyaasaddeeda dibadda.

  • Soomaliya

    22-04-2025

  • 06:47PM

Soomaaliya: Qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Saddex qof oo kale oo ku jiray maqaaxida ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ay sheegeen dadka degaanka iyo kuwa gurmadka ah.

  • Soomaliya

    22-04-2025

  • 05:54PM