Farmaajo oo isku dayay qabiilaynta habka qorista ciidamadda
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo xieedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa “dhowr jeer isku dayay in la joojiyo dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida Balse waa laga diidey" sida sheegtay Samiira Gaid oo la hadashay Garowe Online Twitter Space.
Samiira oo xilligii Ra’iisul wasaare Khayre ka soo shaqaysay Xafiiska Dib-u-habeynta Ciidamada (Somali Security sector Reform), ayaa sheegtay in Farmaajo dhankiisa ay cabsi badan ka jirtay iskuna dayay in uu joojiyo dib u habaynta ciidanka balse uu xafiiska Ra’iisul wasaaruhu adkaystay diiwaangalinta ciidanka Soomaaliyeed.
“Dhow mar ayaa madaxweynuhu codsaday in joojiyo balse markii dambe waa lagu adkaystay waana diiwaangaliyay” Samiira Gaid oo caday in madaxweynaha ay arrintaasi cabsi iyo walbadan uu ka qabay.
Isku dayga qabiilaynta qoriska ciidanka
Farmaajo, madaxweynaha xilka ka siidagaya ee Soomaaliya “wuxuu jecel-yahay in nidaamka qorista ciidamada lagu saleeyo qabiil” sida uu sheegay taliyihii hore ee Milatariga Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe.
Jeneraal Indha-qarshe oo la hadlayay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in qadiyadaan ay dhowr mar ay isku isku qabteen Farmaajo".
"Runta hadaan idin sheego Farmaajo waxa uu jeclaa in nin oday hebal la yiraah iyo Sheekh hebel soo qor askarta taasi runtii aad ayay idhibi jirtay," ayuu yiri Generaal Indhaqarshe.
Indhaqarshe ayaa raaciyay in qofka doodanaya in uu noqdo askari ay tahay in uu maro shuruudihii looga baahnaa ciidanka xoogga dalka ku biiristeeda ka dibna wadaniyad lagu abuuro hadii uu gobol ka yimid iyo uu qabiil ka yimidba.
"Aniga aadbay ii dhibi jirtay waxaan dhihi jiray ma suurtoobayso in ciidanka sidaan loo qoro," ayuu xusay isaga oo sheegay in askariga sidaas lagu qoray uu daacad u noqonayo odaygii soo qoray iyo gobolkii uu ka yimid balse uusan noqon Karin ciidan dowladeed.
Ciidamada milateriga ee Soomaaliya oo dadka ka faallooda arrimaha milateriga ay shegeen in midowgii Soviet-ka uu dhisay ayaa aad u kala daatay kadib dagaalkii 1977-kii ee Soomaaliya ay la gashay Itoobiya, waxaase jirtay in dowladihii dambe ay isku dayayeen in la dhiso ciidan qaran oo Soomaaliyeed.
GAROWE ONLINE