Farmaajo oo la kulmay taliyeyaal kadib qaraxyo lagu hoobtey

Image
Image
Image
Mucaaradka ayaa rumeysan is-aragan uu madaxweynaha waqtiga ka dhacay ku muujinayo in uu wali xukumo ciidanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa Sabtida maanta ah wuxuu kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa wuxuu "faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda".

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu ay kordhiyaan howl-galladooda iyo feejignaantooda, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna nagu soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo sanadihii la soo dhaafay ay ku guuleysatay Dowladdu ka hortagga iyo yareynta dhagartii argagixisadu ay soo maleegi jireen Bishan".

"Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha," ayuu yiri Farmaajo, sida ku xusan bayaanka.

Farmaajo ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, in loo dhimriyo Shacabka Soomaaliyeed xilliyada ay ciidammadu samaynayaan hawlgallada lagu sugayo amniga.

"Sidoo kalena, la xoojiyo wadashaqeynta iyo is-dhexgalka Hay'adaha Ammaanka iyo Bulshada, si kor loogu qaado wadashaqaynta iyo kalsoonida shacabku ay ku qabo ciidammadooda geesiyaasha ah," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Kulanka Farmaajo iyo taliyeyaasha ciidamadda ayaa kusoo aadaya xilli weeraro lagu hoobtey ay ka dhaceen Muqdisho iyo Beledwayne todobaadkii lasoo dhaafay. Siyaasiyiinta mucaaradka waxay rumeysan yihiin in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey uu shirkan u qabtey sidii u muujiyo in uu wali xukumo ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM