Farmaajo oo mar kale ciwaankiisa ololihiisa ka dhigay "waddaniyad"
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wasaaradda Difaaca Soomaaliya ugu qayb galay munaasabad ku aaddan sannad guurada 62-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu dhisay ciidan wadaniyiin ah oo ka madax banaan qabyaalad.
Farmaajo khudbadiisa diirada ku saaray taariikhda ciidanka xoogga dalka ayaa hambalyo maalintaan ku aadan u diray qeybaha ciidammada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha mudDo xileedkiisu dhamaaday oo ku celceliyay in baahi loo qabo ciidamo wadaniyiin ah ayaa ku faanay in mudadii uu xukunka joogay uu dhisay Ciianka xoogga dalka, horumainta lagu sameeyay iyo qorshaha xiga ee la dagaalanka Al-Shabaab.
Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo la xurmeeyo oo ka tilmaamay dalalka Afrika siina horumari karaan Ciidamada hadii ay noqaan kuwo wadaniyiin ah oo laga saaro qabiil qabiil.
Farmaajo oo tacsi u diray Saraakiisha iyo Ciidamadii u geeriyooday iyaga oo dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab ayaa caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay dagaalada oo si joogto ah dalka ugu dhacayay 15 sano ee la soo dhaafay.
Gababadii hadalkiisa waxa uu ku sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo dad gar ah laga leeyahay balse ay yihiin wadaniyiin, isla markaana ugu Shaqeyn doono si wadaniyad ah.
Munaasabadda oo si toos ah looga daawanayay warbaahinta dowladda ayaa waxaa ka qayb-galay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), dhammaan taliyeyaasha ciidamada iyo sidoo kale wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaalya.
Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo munaasabada ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhismaha ciidamada Xoogga dalka iyo marxaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday guulaha waa weyn ee ay gaareen sanadihii dambe.
Xuska 12-ka April ayaa sanadkan kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro xaalada guur ah iyo marxalad doorasho, taas oo keentay in tuhun uu ka dhasho xuska maalintan oo si weyn Villa Soomaaliya lagu eedeeyey inay ka damacsan tahay qorshe kale.
GAROWE ONLINE