Farmaajo oo mar kale xusul-duub u galay daahinta doorashadda

Image
Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maanta oo Isniin ah xildhibaanada laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeellanaya kulan wadajir ah sida ay uga doodaan xeer hoosaadka doorashada gudoonka labada aqal ee baarlamaanka balse waxaa jira xubno taabacsan Farmaajo oo ku howlan dib u dhigista codaynta sida uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Xildhibaano taabacsan maamulka madaxweynaha waqtiga ka dhacay ayaa doorbidaya dib u dhaca doorashada ilaa laga xaliyo muranka ka taagan kursiga uu raadinayo Fahad Yaasiin ee Hop#086 ee laga leeyahay magaaladda Beledweyne.

Marka laga soo tago xubnaha Farmaajo taabacsan mudane-yaasha baarlamaanka ayaa isku dayeysa in ay dedejiyaan kulamada baarlamanka, si deg deg loogu doorto guddoonka, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto, taasi oo kooxda Rooble iyo guddiga doorashada ku qasbeysa in ay si cad u diidaan go’aanka Maxkamadda ama fasaxaan kursiga.

Xildhibaano ka tirsan labada aqal baarlamaanka ayaa koxoda Fahad iyo Farmaajo diyaariyeen inay fowdo ka dhex abuuraan kulanka si dib u dhac ugu yimaado doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal, loogana hortago qorshaha Rooble.

Sida ku cad jadwal doorasho oo uu arkay Garawe Online, waxaa la filayaa in doorashada guddoonka ay dhacdo 27-ka bishan.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa xaqiijiyey abaabulka socda ee ah in xildhibaano loogu tala-galay inay fowdo ka kiciyaan kulanka maanta lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal.

“Farmaajo ayaa abaabulaya Xildhibaano beri fowdeeya kulanka Barlamaanka, si doorashada guddoonka barlamaanka dib ugu dhacdo. Waa qar-iskatuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed. Waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay iskudayo nuucaan oo kale ah!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Haddii bishan April dhexdeeda la doorto guddoonka labada Aqal waxaa yaraa doona cabsidii laga qabay in bartamaha bisha soo socota ee May – dalka laga jarto taageeradii dhaqaale ee kabka miisaaniyadda.

Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Rooble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, dagaal xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doorashada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dhamaan bishaan April, sida la qorsheeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM