Farmaajo oo qaadacay go'aan uu gaarey Maxamed Rooble

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Facebook-ga waxay ku faafisay qoraalkan oo ka koobnaa lix qodob.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa soo saarey war-saxaafadeed uu ugu awaabay go'aanka ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ugu wareejiyay amniga doorashada howlgalka ATMIS.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraalkan oo ka koobnaa lix qodob kuwaasoo dhamaantooda lagu cuksanayo heshiiskii 17-kii September una muuqdo mid lagu abuurayo carqaladeyn cusub.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

1. Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, Guddiga Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. 

2. Golaha Shacabku waa hay’ad astaan u ah mataaladda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed. Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan waxaa masuul ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

3. Hawlgalka ATMIS wuxuu gacan siiyaa Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo iskaashi wadashaqeyn la leh Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ah hoggaanka arrimaha amniga doorashooyinka.

4. Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaranka, umana hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka. 

5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in la dardargeliyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna ka digayaa falalka lidka ku ah Heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa oo ay Madashu ku heshiisay. 

6. Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen.


Warqadda Farmaajo ayaa kusoo aadaysa xilli qorshuhu yahay in maalinta berri ah ay Muqdisho ka dhacdo doorashada guddoonka Aqalka Hoose maantana loo coddeeyay hogaanka Aqalka Sare amnigana uu wali yahay mid la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM