Farmaajo oo u dabaaldagay guusha Emmanuel Macron

Image
Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday ayaa ammaanay shacabka dalkiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saray doorashadii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa hambalyo u diray madaxweyanaha dalkaas ee dib loo doortay Emmanuel Macron.

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin doorashada ka dhacday Faransiiska iyo guusha uu ka gaaray Emmanuel Macron.

Sidoo kale Farmaajo ayaa xusay in Soomaaliya ay la shaqeyn doonto madaxweynaha dib loo doortay ee Faransiiska, isagoo guul u rajeeyey.

”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne Emmanuel Macron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Qoraalka madaxweynaha ee loogu hambalyeeyey Macron ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadamada Faransiìska iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan iyo sidoo kale iskaashi soo jireen ah.

 “Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah” ayuu sii raaciyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada Faransiiska oo shalay loo dareeray wareega labaad ayaa waxaa markale guul ka soo hooyey Emmanuel Macron, kadib markii uu ka adkaaday haweeneyda xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo dalka Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo hal arrin oo Trump la xiriirta xilka uga qaadayo Axmed Maclin Fiqi - XOG

Arrintan ayaa sidoo kale imaaneysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii ay u sii adkeyn lahayd siyaasaddeeda dibadda.

  • Soomaliya

    22-04-2025

  • 06:47PM

Soomaaliya: Qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Saddex qof oo kale oo ku jiray maqaaxida ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ay sheegeen dadka degaanka iyo kuwa gurmadka ah.

  • Soomaliya

    22-04-2025

  • 05:54PM