Farmaajo oo u dabaaldagay guusha Emmanuel Macron

Image
Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday ayaa ammaanay shacabka dalkiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saray doorashadii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa hambalyo u diray madaxweyanaha dalkaas ee dib loo doortay Emmanuel Macron.

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin doorashada ka dhacday Faransiiska iyo guusha uu ka gaaray Emmanuel Macron.

Sidoo kale Farmaajo ayaa xusay in Soomaaliya ay la shaqeyn doonto madaxweynaha dib loo doortay ee Faransiiska, isagoo guul u rajeeyey.

”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne Emmanuel Macron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Qoraalka madaxweynaha ee loogu hambalyeeyey Macron ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadamada Faransiìska iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan iyo sidoo kale iskaashi soo jireen ah.

 “Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah” ayuu sii raaciyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada Faransiiska oo shalay loo dareeray wareega labaad ayaa waxaa markale guul ka soo hooyey Emmanuel Macron, kadib markii uu ka adkaaday haweeneyda xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo dalka Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM