Farmaajo: Xasan Sheekh haka laabto tallaabooyinka sharci-darrada uu qaadey

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay wadahadalka qaran ee uu ku baaqay Madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxafaafadeed uu soo saarey Maanta ugu baaqay Xasan Sheekh inuu ka laabto wax ka bedelada "sharci-darrada" ah ee uu ku sameeyay dastuurka dalka, dhismaha guddiga doorashada ee muranka badan ka taagan, iyo burburinta Golaha Wadatashiga Qaran (NCC), oo ku bedelay xisbi siyaasadeed uu isagu hoggaamiyo.

Farmaajo ayaa digniin ka bixiyay in tallaabooyinkan ay caqabado waaweyn ku yihiin dadaallada dib-u-dhiska dalka, islamarkaana ay curyaaminayaan wadashaqeynta u dhaxaysa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Farmaajo ayaa ku baaqay in la soo celiyo hab-maamuuska dastuuriga ah ee lagu soo doortay labo jeer Xasan Sheekh iyo in la ixtiraamo hanaanka hufan ee doorashooyinka si loo xaqiijiyo xasilooni siyaasadeed iyo horumar waara.

Hadalkan ayaa imaanaya xili Farmaajo dalka ka maqan yahay oo uusan kamid ahayn mucaaradka ku shiraya Mqdisho, kuwaasoo Maanta la kulmao wakiilada Beesha caalamka, oo usoo bandhigyeen tabashadooda ku aadan nidaamka doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ahaa oo lagu dilay Jarmalka

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudey.

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 05:02AM

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM