Fiqi: Nidaamka Farmaajo wuxuu soo miin-guuriyey Siyaad Barre
MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Khudbadii maanta (12 April) Farmaajo jeediyay munaasabada dabaal daga ay ula muuqatay mid sagootis ah maadaama uu ku fashilmay hogaaminta dalkaan".
Fiqi oo ka sheekeeyay nuuca ciidan ee dalkaan ka soo kabanaya colaadaha sokeeyo uu u baahanyahay ayaa sheegay in “Nidaamka hadda dalka ka shaqeeyana [laga soo miin-guuriyey] dowladii milatariga AUN Maxamed Siyaad Barre".
Taliyihii hore ee NISA, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hada joogto “Waqti muhiim ah Farmaajana uu jeediyay khudbad sagootin ah” sidaas darteed “isbadalka dalka ka dhici doona in waa inta la fariisto kalooni la keenaa iyada oo laga tusaale qaadanayo waxa ka dhacay Kismaayo, Dhuusamareeb, Beledweyne, Gedo iyo Baydhabo oo ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay dambigo ka gaysteen”.
Fiqi oo sheegay in ciidanka xoogga dalka maamulkeeda ay leedahay Dowladda Faderaalka ah ayaa muujiyay in baahi wayn loo qabo in la abuuro kalsooni buuxda maadaama Farmaajo si khaldan u adeegsaday awood ciidan.
“Waxaan rabnaa in kalsooni buuxda la keeno runtii waa wax la yaab leh in la arkay ciidankii oo ka shaqaynaya siyaasada arrimaha guddaha, kuraas lagu boobayo” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa raaciyay “runtii waxaas oo dhan waxa ay yaraynayaan kalsoonidii lagu qabay ciidanka amaanka Soomaaliya”.
“Anigu waxa aan qabaa in ciidanka iyo siyaasadu ay kala baxsanaadaan” ayuu hoosta ka xariiqay isaga oo sheegay in aysan jirin shuruuc casri ah oo la jaan qaadaysa maamulka dowlad rayid ah balse ay jirto shuruucdii hore ee milatariga.
“Nidaamkii hore waxaa ka mid ah madaxweynaha ayaa ah taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida” isaga oo talaabadaasi ku qeexay in uu yahay mid duugoobay oo aan maanta loo baahnayn.
Axmed Macalin Fiqi oo noqday danjire iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Faderaalka ayaa sheegay in ay waji joogaan saraakiil khubura ah oo si wayn u taqaana dhismaha ciidamka xoogga dalka iyo kala saarista ciidanka iyo siyaasada oo ay tahay in loo dhiibo hoggaanka ciidanka xoogga dalka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa la aasaasay sanadkii 12-kii April 1960-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya qaadatay xornimadeeda.Ciidanka ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo mar lagu magacaabi jiray Libaaxyada Afrika. Ciidamada oo ka kooban ciidanka dhulka, cirka iyo badda, ayaa waxaa lagu aasaasay tiro kooban.
GAROWE ONLINE