Fiqi oo Wadahadal la yeeshay Taher Al-Baour

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Midnimada Qaran (GNU) ee Libya, Taher Al-Baour, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa wadahadal ku yeeshay khadka Taleefonka xili Soomaali badan laga soo celiyay Libya.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay muhiimadda ay leedahay in wada-shaqeyn joogto ah iyo wadatashi ka yeeshaan Soomaaliya iyo Libya arrimaha gobolka iyo caalamka.

Taher Al-Baour uu ugu hambalyeeyay Fiqi doorashadii dalkiisa ee xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddada 2025-2027, sida lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Libya ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Labada dhinac ayaa dib u cusbooneysiiyay ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah si loo gaaro amni, xasillooni iyo horumar, iyo kor u qaadista xiriirka labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM