Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Madaxa AUSSOM xilli xiriirka Villa Somalia iyo beesha caalamka liito

Image

MUQDISHO – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxa Kumeelgaarka ah ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Mr. Sivuyile Bam, isagoo ku tilmaamay “inuu halis ku yahay horumarka iyo amniga dalka,” isla markaana ku sheegay inuu yahay “qof u janjeera kooxda Al Shabaab.”

Hadalkan ayaa yimid xilli xiisado amni ay ka taagan yihiin deegaano dhowr ah, waxaana dhowaan kooxda Al Shabaab ay si buuxda u qabsatay Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe – arrintaan oo si weyn u kicisay dareenka shacabka Soomaalida. 

Wasiir Fiqi oo wareysi siiyay telefishanka dowladda ayaa sheegay in Mr. Bam uu dirayay warbixinno aan wanaagsanayn oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, isla markaana uu iska indha-tiray guulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo kuwa deegaanka ee Ma’awisleyda ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Waxa uu ka shaqeynayay wax aan ahayn taageero, mana tixgelinayo horumarka aan sameynay. Sidaa darteed, waxaan u aragnaa halis,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo aan soo bandhigin caddeymo la xiriira eedeyntiisa.

Dhankiisa, Mr. Bam weli kama uusan sameyn falcelin toos ah hadallada Fiqi, hase yeeshee qoraal uu soo saaray xuska 65-aad ee maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayuu ku sheegay in AUSSOM ay “aqoonsan tahay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.” Wuxuu sidoo kale ku celiyay in AUSSOM ay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidanka qaranka si loo ilaaliyo amniga shacabka.

Wasiir Fiqi wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay tallaabo ka qaaday Mr. Bam, balse uusan faahfaahin nooca tallaabadaas.

Hadalka Wasiirka ayaa dhinaca kale imaanaya xilli hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo beesha caalamka, gaar ahaan dalalka ka tageera Soomaaliya dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab. Madaxweynaha ayaa dhowaan hoos uga dhacay heerkii ay ka filayeen iney gaarto casumaaddii ay ka dalbadeen inuu u fidiyo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. Warar diplomaasiyeed ayaa sheegaya in dalalka qaar u arkaan inuu madaxweyne Xasan Shiikh siyaasadeynayo xaalka nabadeed ee Soomaaliya. 

Beesha caalamka ayaa dhankeeda raadineysa in meel la iska dhigo khilaafka siyaasadeed, lana eego xaaladda amni ee adag ee dalka ka jirta, taasoo u baahan in Soomaaliya laga gaaro is-fahan siyaasadeed oo mideeya dhinacyada siyaasadda gudaha.

Eedeymahan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya iyadoo la filayo in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dhowaan ka doodo mustaqbalka maalgelinta howlgalka AUSSOM, xilli Maraykanku uu muujiyay diidmo ku aaddan in Soomaaliya noqoto tijaabada ugu horreysa ee qaab-maaliyadeedka cusub ee lagu taageerayo hawlgalada nabad ilaalinta Afrika.

Wixii kusoo kordha warkan kala soco Garowe Online.

Related Articles

Fahfaahin: Hoobiyaal lagu garacay degmooyin ka tirsan Muqdisho 

Weerarkaas ayaa dhacay xili uu socda diiwaangelinta dadweynaha ee loogu diyaar garoobayo doorashada golaha deegaanka ee bisha Juun.

  • Soomaliya

    19-04-2025

  • 08:39AM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo Daacish ka saarey saldhigyo muhiim

Kooxda ISIS ayaa waxaa Calmiskaad ku dhisay C/qaadir Muumin 2015, kadib markii uu kasoo goostay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    19-04-2025

  • 07:19AM