Fly Dubai oo billowday duulimaad Muqdisho-Dubai ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u billowday duulimaad toos oo ah Dubai-Muqdisho.

Diyaaraddii ugu horreysay ee shirkadda, oo nooceedu yahay Boeing 737 Max, ayaa maanta soo cago dhigatay garoonka diyaraadaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo rakaab kasoo qaaday Dubai.

Sidoo kale, duulimaad kale oo ku socda Dubai ayaa ka bixi doona caasimadda Soomaaliya isla galabta.

Shirkadda ayaa 14-kii Febraayo 2023 ku dhowaaqday billowga duulimaadyada tooska ah ee Dubai-Muqdisho, oo toddobaadkii shaqeyn doona hal maalin. Shirkadda ayaa sheegtay in laga billaabo 1-da June ay duulimaadyada ka dhigi doono laba maalin toddobaadkii.

Waa magaalada labaad oo Soomaaliya ah oo ay shirkadda ay duulimaad ku tagto. Flydubai ayaa horey u tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Billowga duulimaadyada Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshe ay shirkadda ku ballaarineyso duulimaadyadeeda Afrika. Waxay hadda ka howlgashaa oo ay u duushaa magaalooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.

VOA + GO

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM