Fly Dubai oo billowday duulimaad Muqdisho-Dubai ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u billowday duulimaad toos oo ah Dubai-Muqdisho.

Diyaaraddii ugu horreysay ee shirkadda, oo nooceedu yahay Boeing 737 Max, ayaa maanta soo cago dhigatay garoonka diyaraadaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo rakaab kasoo qaaday Dubai.

Sidoo kale, duulimaad kale oo ku socda Dubai ayaa ka bixi doona caasimadda Soomaaliya isla galabta.

Shirkadda ayaa 14-kii Febraayo 2023 ku dhowaaqday billowga duulimaadyada tooska ah ee Dubai-Muqdisho, oo toddobaadkii shaqeyn doona hal maalin. Shirkadda ayaa sheegtay in laga billaabo 1-da June ay duulimaadyada ka dhigi doono laba maalin toddobaadkii.

Waa magaalada labaad oo Soomaaliya ah oo ay shirkadda ay duulimaad ku tagto. Flydubai ayaa horey u tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Billowga duulimaadyada Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshe ay shirkadda ku ballaarineyso duulimaadyadeeda Afrika. Waxay hadda ka howlgashaa oo ay u duushaa magaalooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.

VOA + GO

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM