Gaas oo bixiyey waraysi dhinacyo badan taabanaya

Image

December 4, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland oo weli ku sugan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga.

Madaxweynuhu wuxuu faahfaahin ka bixiyey booqasho uu dhowaan ku tegey saldhigyada ciidamada Puntland ee deegaanka Galgala, mashaariic horumarineed oo Puntland ka socda iyo dhaqaalaha.

Qormadan waxan si gaar ah diiradda ugu saari doonoo qodobadii ugu muhiimsanaa ee Cabdiweli Gaas ka hadlay:

Booqashadii uu ku tegey Galgala:

Ugu horeyn wuxuu ka warbixiyey booqashadii uu labo maalmood kahor ku tegey saldhigyada ciidamada Puntland ee deegaanka Galgala, halkaasoo Puntland kala wareegtey Al-shabaab horraantii bishii October ee lasoo dhaafay.

Ujeedada socdaalka wuxuu ku sheegay inay ahayd sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda ciidamada ku sugan jiidda hore ee buuraleyda Golis iyo weliba horumarrada ay ka sameeyeen dhanka la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Dhanka kale wuxuu sheegay inuu soo indho indheynayey xaaladda guud ee deegaanka Galgala oo sanado kahor ay ka barakaceen boqollaal qoys oo beeraley u badnaa kadib markii Al-shabaab halkaas fariisin ka dhigatay.

Kulankii uu la qaatay saraakiisha ciidamada NATO:

Kulanka oo ka dhacay markab ciidamada Denmark leeyihiin wuxuu sheegay in si guud  diiradda loogu saaray hawlgalka la dagaalanka burcad-badeeda ee ciidamada caalamiga ahi ka wadaan badaha Soomaaliya.

Gaas ayaa docda kale sheegay in saraakiisha ciidamada NATO uu kala hadlay sidii Puntland gacan looga siin lahaa la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah oo fara kulul ku haya xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Warar madax bannaan oo GO heshay ayaa sheegaya in tobankii bilood ee ugu dambeeyey aad u kordheen heshiisyada dowladdu la gashay shirkadaha kalluumaysiga ee shisheeyaha ah, arintaasoo qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Puntland walaac xooggan ka muujiyeen.

Hoos u dhaca dhaqaalaha:

Mar wax laga weydiiyey hoos u dhaca dhaqaalaha wuxuu u sababeeyey dakhliga dowladda soo gala oo yar maadaama heerka cashuuruhu gaarsiisneyn sidii la rabey iyo weliba lacagta shilin Soomaaliga oo suuqyada gabaabsi ku ah.

Qorsheyaal badan ayuu sheegay in xukumadiisu ka leedahay sidii arintaas xal loogu heli lahaa isagoo xusay in tallaabada ugu horreysa ee la qaadayaa tahay dhimista kharashaadka dowladda iyo weliba kor u qaadista cashuuraha berriga.

Waxqabadka xukuumaddiisa:
Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in mudadii sanadka ahayd ee Madaxweynaha uu Punltand ka ahaa waxyaabo badani u qabsoomeen, qodobada uu carrabka ku adkeeyeyna waxaa kamid ahaa: 

  • Xoojinta ammaanka iyo la-dagaalanka Al-shabaab.
  • Dhismaha goleyaasha deegaanka.
  • Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
  • In shaqooyinka dowladda si cadaalad ah loo bixiyo.
  • Dib u habeynta ciidamada.
  • Iyo weliba dib u habeynta shaqaalaha rayidka.

Gunaanad:

Si kastaba ha ahaatee hadalka Madaxweye Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo aadaya xilli aan la oran karin ammaanka Puntland  100% waa sugan yahay, dhaqaaluhu aad hoos ugu dhacay islamarkaana ciidamada iyo shaqaalaha kale ee rayidka ahi ka cabanayaan mushahar la'aan.

Dhanka la dagaalanka Al-shabaab oo sida Gaas tilmaamay xukuumadiisu guulo waaweyn kasoo hoydey ma jiro wax horumar ah oo laga sameeyey marka laga reebo in guutooyin ka tirsan ciidamada Daraawiishta, PMPF iyo PSF la wareegeen deegaanka Galgala oo horay Al-shabaabku uga baxeen.

Waxaa xusid mudan in hoobiyeyaal lagu soo duqeeyey wafdigii Madaxweynuhu hogaaminayey ee labo maalmood kahor kormeerka ku tegey Galgala, arintaasoo cadeyn u ah heerka khatartu gaarsiisan tahay iyo weliba sida awoodda Al-shabaab weli u jirto.

Docda kale dad badan ayaa sheki ka muujiyey in shaqooyinka hay'adaha dowliga ah oo sida Gaas waraysigan ku sheegay lagu guuleystey in qaab saxan oo xaq ah loo qaybiyo.

Xildhibaannada baarlamaanka oo todobaad kahor la xisaabtamay Agaasimaha Hay'adda Shaqaalaha Rayidka ee Puntland waxay ku doodeen in la musuq maasuqo shaqooyinka dowladdu soo dhejiso, islamarkaana la siiyo dad aan imtixaanada shaqooyinka loo galo kusoo bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM