Gaas oo hambalyadda ciida u diray shacabka Puntland

Image

October 3, 2014  (GO)-Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo maanta shir jaraa'id ku qabtay madaxtooaydda ayaa fariin ku aadan munaasibadda ciidal Adxaa u diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland.

Gaas ayaa si gaar ah ula hadlay shacabka tuuladda Galgala wuxuna ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan dhulkoodii oo maalmo ka hor laga sifeeyay haraagii kooxda Al-Shabab.

”waxaan hambalyada ciidul adxaa u dirayaa dadweynaha Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan,gaar ahaan dadweynaha Puntland ee aan madaxwaynaha u ahay in ay ku Ciidaan Ciid wanaagsan ,si nabadgelyo leh ,si farxad leh iyaga iyo ehelkooda ,caruurtooda iyo dhamaan qoysaskooda”

Docda kale madaxwaynaha Puntland ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay taageero lixaad-le u muujiyeen ciidanka qalabka sida si looga adkado kooxaha diidan nabadgalyadda iyo hormarka.

Suuqyadda waa wayn ee Puntland ayaa maanta oo Jimce ah laga dareemayaa u diyaar garowga ciida waxana mashquul ah wadooyinka waa wayn ee gaadiidka ay maraan taasoo loo sababaynayo xadiga dadka oo aad u faro badan.

Magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee Puntland.

Malaayiin xujaay muslimiin ah ayaa maanta u taagan Banka Carafo si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka,dadka sanadkan soo xajinaya waxaa ka mid ah madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM