Gabdho arday ahaa oo saaka magaalada Muqdisho lagu diley

Image

November 2, 2014 (GO)- Labo gabdhood oo arday ahaa ayaa goor hore oo saaka ah lagu diley degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Gabdhaha waxaa la toogtey xilli ay kusii jeedeen iskuul ku yaalla xaafada Mac-macaanka. Labo nin oo mooto (dhug-dhugley) watey kuna hubeysnaa baaskoolado ayaa la sheegay inay dilka geysteen.

Goobta uu falku ka dhacay daqiiqado kadib waxaa soo gaarey ciidamada booliska oo iyagu halkaas ka sameeyey baaritaan muddo kooban socdey. Boolisku kuma guuleysan inay falkaas cid usoo qabtaan, waxayse sheegeen in lagu raad joogo dhowr qof oo laga shekiyey.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in mid kamid ah labadaas gabdhood qaraabo dhow yihiin gudoomiyaha degmada Dharkeynley.

Shalay ciiidamada nabad-sugidda ayaa toogtey labo nin oo ka tirsanaa Al-shabaab, kadib markii suuqa Bakaara dhexdiisa askari ku dileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM