Taageero loo muujiyey Rooble xilli uu wajahayo loolan adag

Image
Rooble ayaa la filayaa in uu Talaadada u socdaalo caasimada Kenya ee Nairobi. [Photo: Internet]

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa garab-istaag u muujisay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble xilli ay soo shaac-baxdey in ay is-maandhaafeen madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo.

"Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra'iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Puntland.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah".

Dhanka kale, Rooble iyo musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kulan "albaabada u xiran" yihiin oo saacado "fara badan" qaatay ku yeeshay Muqdisho ayaaa "kawada hadlay Arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo xaaladdihii ugu danbeeyey ee siyaasadda dalka".

"Waxaan kulan la qaatay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka," ayuu Warsame ku qoray bartiisa Facebook-ga.

Taageerada uu Rooble ka helayo xoogaga siyaasadeed ee dalka ayaa kusoo hagaageysa saacado kadib markii uu ku gacan-seyray digreetaddii madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo kuna adkeystay in dastuurka "uu siinayo xukuumadda awooda fulinta" farayna hay'adaha dowlada "in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda".

Wareegtadda Farmaajo oo timid iyaddoo wasiirka koowaad uu kusii jeedo caasimada Kenya ee Nairobi ayaa ka mamnuuceysay hay'adaha dowladda in ay galaan nooc kasta oo heshiis ah ama is-afgarad. Talaabadan waxay imaanaysaa iyaddoo ay jiraan warar sheegayey in xukuumadda ay galeyso heshiis ganacsi.

Warsidaha GO ayaa sidoo kale wuxuu fahansan yahay in bayaanka Farmaajo uu salka ku hayo difaacida danaha gaarka ah ee xubno ka tirsan qoyskiisa ku qabaan Jaadka ka yimaada Itoobiya kaasoo ay malaayiin doolar ka sameeyaan.

Booqashadda Rooble ee Nairobi ayaa la filayaa in ay bilaabato Talaadada todobaadkan. Wafdi horudhac u ah socdaalkiisa waxay ku sugan yihiin caasimada Kenya. Garowe Online wuxuu fahansan yahay in qodobada laga hadlayo ay kamid tahay soo celinta xiriirka ganacsiga iyo xayiraad ka qaadida Jaadka.

GO ayaa horey u baahiyey in khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu cirka isku sii shareeray markii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu shaqadda ka eryay saraakiil sar-sarre kana tirsaneyd hay'adda NISA isla markaana uu go'aan ku gaarey in uu bixiyo, Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha ahna gacanka koowaad ee Farmaajo.

Khilaafka soo shaac-baxay ee Farmaajo iyo Rooble kaasoo muddo huursanaa ayaa dharbaaxo weyn wuxuu ku noqon karaa qorshaha Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka waddanka ka bilowday

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM