Khilaafkii Farmaajo iyo Rooble oo si rasmi ah u soo shaac-baxay

Image
Garowe Online ayaa horey u baahiyey in cilaaqaadka labada mas'uul uu gaarey meeshii ugu hooseeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khilaafkii u dhexeeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dastuuriga dhamaadey Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisa madaxda ka ah Xukuumada xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo shaac-baxey.

Farmaajo ayaa, sida lagu daabacey booga Villa Somalia ee Facebook, waxaa uu soo saarey go'aano uu ku xayirayo in dowlada heshiisyo gali karto xiliga doorashada lagu guddo jiro.

Qodobadaas ayaa kala ah;

- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

- Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

- Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

- Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.

- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

Tani ayaa ku soo beegmeysa xilli warsidaha Garowe Online boggiisa Twitter iyo Facebook ku shaaciyey inuu jiro safar Rooble uu ku tagayo dalka Kenya iyadoo ay jiraan is-afgarad labada dal isla gaareen.

Falcelinta ka dhalatay wareegtada Farmaajo

Xiriirka Farmaajo iyo Rooble ayaa hoos ugu dhacay wixii ka dambeeyay saxiixa heshiiska doorashada, iyadoo madaxweynaha xilkiisu dhamaadey aysan weli kulmin wasiirka koowaad tan iyo markii uu London kasoo laabtay bishii hore.

Garowe Online ayaa fahansan in Rooble uu isku dayay inuu meesha ka saaro Fahad Yaasiin, balse waxaa ka hor istaagay Farmaajo. Sidoo kale, Farmaajo ayaan wuxuusan ku qanacsaneyn safarka Rooble ee Kenya.

Senator hore Ilyaas Cali Xasan ayaa Facebook ku daray: "Qof asagaba expire garoowey waqtigiisa Sharciga ahaa 6 bilood kahor, muxuu horta soo saaraa Dikreeto uu wax kujoojiyo! Sharciga Cayaarta Kadaa".

Xildhibaan hore Mahad Maxamed Salaad ayaa dhankiisa soo qoray: "Boor isku qarinta Farmaajo waxba uma dhimayso Safarka ay berri ku imaanayso magaalada Muqdisho Wasiirada Arimaha Dibeda Kenya, safarkaas oo qayb ka ah dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble wado ee lagu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. Isaguna caawa siyaasada dalka uu marti uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.!"

Xayiraadda ayaa kusoo aadeysa xilli maalinta berri ah wasiirka arimaha dibada Kenya ku soo fool-laheyd magaalada Muqdisho halkaasoo ay Rooble ku guddoon-siinayo casuumaad socdaal uu ku tagayo dalka Kenya.

Wararka laga helayo safarkaas ayaa tilmaamaya in Rooble ay u badan tahay in uu qalinka ku duugo heshiis lagu soo celinayo cilaaqaadka labada dal si gaar ah isu-socodka iyo soo celinta Khaadka la mamnuucay ee dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM