Gargaar loo wado SSC-Khaatumo oo laga diray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa magaalada Muqdisho ka dirtay deeq gargaar ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Shiinaha ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku wajahan degaannada maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Gargaarkaan oo ka kooban 500 oo tan oo raashin ah ayaa Doon looga qaaday Dekedda Muqdisho, taas oo geyn doonta Boosaaso looga daabuli doono gaadiid.

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in Hay'addu u taagan tahay caawinta bulshada Soomaaliyeed, si kasta oo wax loo gaarsiin karaana lagu gaarsiinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM