Gedo: Jubbaland oo iska jabisay qandhadii 16 kursi

Image
Doorashada Ceelwaaq ka dhacday ayaa waxaa go’aamiyey guddiga doorashada heer federaal 14-kii April.

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad-goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sabtida maanta ah soo dhamaystiraysa doorashada 16 kursi ee loo asteeyay gobolka Gedo si ay qayb uga noqdaan codaynta gudoomiyaha golaha shacabka oo lagu balansanyahay 27 April 2022.

Soo dhamaystirka codaynta ayaa ka dhigan in Jubbaland iska jabisay xanuunkii ay ku haysay doorashada 16 kursi oo ku dhawaad 2 sano khilaaf xooggan ka taagnaa.

Guddiga doorashada SEIT ee Jubbland ayaa galinkii dambe ee Jimcaha soo saaray jadwalka 5 kursi oo maanta la qabanaya maadaama shalay la qabtay codaynta 11 kursi oo gobolkaasi taallay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Madoobe) oo shalay gaaray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa goobjoog ka ah codaynta oo walwalbadan ku abuurtay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ceel-waaq oo dhacda xuduudka Soomaaliy-Kenya waxaa sidoo kale ku sugan guddiga doorashada heer Faderaal FEIT ee uu hoggaaminayo Muuse Geelle gudoomiyaha guddiga.

Codayntaan ayaa ka dhacday magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyadoona ay si weyn oga soo horjeesteen maamulka Gobolka Gedo, gaar ahaan garabka ay doorashadan isku hayeen maamulka Jubaland ee doonayay in Garbahareey lagu qabto.

Doorashada Ceelwaaq ka dhacday ayaa waxaa go’aamiyey guddiga doorashada heer federaal 14-kii April, ayaga oo sheegay in Garbahaarey “aan doorasho lagu qabin karin sababo amni dartood.”

Hindisahaas waxaa u sacab-tumay Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaaraha xukumada xilgaarsiinta ah iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Hase yeeshee, isla maalinkaas ayaa xubno dhowr ah oo ka tirsan guddiga ay sheegeen inay kasoo horjeedaan go’aanka, ayaga maalmihii xigayna billaabay isku day ay doorasho ugu qabanayaan Garbahaarey.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu yiri: "Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

Farmaajo ayaa wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ku faray in la xushmeeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1-dii October 2020 iyo 27-kii May 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM