Golaha Ammaanka oo ka shiraya howlgalka badalaya AMISOM

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ATMIS uu xoogga saaro hirgelinta Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacada maanta ah la filayaa in ay kulankooda 30-ka Maarso, lagu ansixiyo waajibaadka iyo oggolaanshaha howlgalka ATMIS oo badalaya AMISOM ka dib wada hadalo mudo socday oo u dhexeeyay Midowga Afrika iyo Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu bedelayaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 1-da Abriil, sida ay go'aamiyeen Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN) iyo dowladda Soomaaliya.

Howlgalka cusub ayaa dhammaan doona sanadka 2024-ka, iyadoo wixii ka dambeeyana dhammaan mas’uuliyadda lagu wareejin doono ciidamada ammaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ATMIS uu xoogga saaro hirgelinta Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Qorshahan ayaa la sameeyay 2018-kii si mas’uuliyadda amniga looga wareejiyo AMISOM laguna wareejiyo ciidamada ammaanka dalka. Qorshahan ayaa dib loo eegay waxaana la fulin doonaa saddexda sano ee soo socota, sida ku cad heshiiska Soomaaliya iyo golaha midowga Afrika.

Bankole Adeoye, oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu si buuxda ula jaanqaadi doono Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay waajibaadka shaqo ee ATMIS inuu noqondoono la dagaalanka al-Shabaab, sugidda amniga, horumarinta tayada ciidamada ammaanka, cadaaladda iyo taageeridda nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Wasaaradaha arrimaha dibedda, gaashaandhigga iyo amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa hannaanka AMISOM loogu bedalayo ATMIS. Kulamo ka dhacay Addis Ababa, Qaahira iyo Muqdisho ayaa lagu soo geba gabeeyay hannaanka kala guurka.

Qorshahaan ayaa dhigaya in dalalka hadda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii wadi doonaan hawshooda, balse la xoojin doono shaqada ay hayaan. Howlgalka waxaa jihayn doono.

Shan iyo tobanka sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.

Hase yeeshee waxaa lagu dhaliilay in aysan wax badan ka qaban wiiqidda awoodda Al-Shabaab oo weli khatar xooggan ku ah caasimadda iyo qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM