Gollaha Iskaashiga oo heshiisiinaya Madaxa Galmudug [Xog Cusub]

Image

DHUUSAMAREEB - Iyadoo khilaafka u dhaxeeya madaxda maamul Galmudug uu sii xumaanayo, ayaa waxay Gollaha Iskaashiga maamulada dalka isku deyayaan inay dhex-dhexaadiyaan dhinacyada is-maandhaafsan, sida Warsidaha Garowe Online ogaadey.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa GO u xaqiijiyey in hogaanka Gollaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ay xiriiro la sameeyeen dhinacyadda isku haya Galmudug, islamarkaana ay u sheegeen inay doonayaan inay soo kala dhex-galaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxda Galmudug lagu kulan siin doono Kismaayo ama Garoowe maalmaha soo socda, iyadoo qorshuhu yahay in qaab wadahadal ah lagu xaliyo khilaafkooda.

Xogta aan helayno ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xaaf uu soo dhaweeyay arrintan, laakiin Garabka Cadaado ku sugan oo ee uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi uu ka cago jiidayo wadahadalka.

Carabeey ayaa wuxuu shaki ka qabaan dhax-dhaxaadnimada madaxda maamul goboleedyadda, maadaama ay xulufo dhow la yihiin Xaaf, oo ay ku mideysan yihiin Gollaha Iskaashiga Maamulada.

Hadii madaxda maamulada ay xaliyaan Khilaafka Galmudug waxay dhar-baaxo kulul ku noqon doontaa Dowlada Federaalka Soomaaliya, oo ic-laamisay dhawaan shir ay ku dhex-dhexaadinayso Xaaf iyo dhinaca kasoo horjeeda, kaasi oo lagu wadey inuu maanta ka furmo Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM