"Goobta laga soo tuuray" madaafiicdii ku dhacday Golaha Shacabka

Image
Weerarkan oo ay sheegatay Al-Shabaab waxaa ku dhaawacmay dhwor qof, waxaana sidoo kale ka dhashay burbur.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya oo Garowe Online Twtitter Space la hadlay ayaa cadeeyay in "hay'adaha amnigu xaqiijiyeen in hoobiyaha kusoo dhacay baarlamaanka laga soo tuuray meel aan ka fogeyn goobta".

Cabdirisaaq ayaa sheegay in goobta ay ka dheceen fowdo iyo hoobiyaal lagu soo tuuray xarunta golaha shacabka iyada oo u jeedadu tahay dib u dhaca doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

"Arrin amni daro ah ayaa goobta ka dhacday hoobiye ayaa lagu soo tuuray waliba kuwa aan waawayn ahayn, laamaha amniga waxa ay noo sheegeen in laga soo tuuray goob aan ka fogayn xarunta golaha shacabka”  ayuu yiri xildhibaanka Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Xildhibaanka ayaa sheegay  in ay baaritaan u baahantahay waxa kulmiyay booqa ka dhacay xarunta gobolka shacabka iyo hoobiyaha lagu soo tuuray xarunta gollaha shacabka.

Tiro madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa shalay lagu weeraray xarunta baarlamanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho xilli ay kulan ku lahaayeen xildhibaanada labada Aqal.

Weerarkan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhaawacmay dhwor qof, waxaana sidoo kale ka dhashay burbur. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey weerarka oo uu ku qeexay “falal argagixiso oo la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.”

“Isku dayga maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato,” ayuu yiri ra’iisul wasarae Rooble.

Rooble ayaa intaas ku daray “inuu bogaadinayo dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.” Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulankii shalay ku ansixiyey jadwalka iyo habraaca doorashada guddoonka golaha shacabka iyo Aqalka Sare.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sidda lagu ansixiyey kulankii shalay ay yeesheen mudaneyaasha labadda aqal ee baarlamaanka 11aad ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM