Goobta lagu dooranayo guddoonka Golaha Shacabka oo "la badalayo"

Image
27-ka April ayaa qorshuhu yahay in la qabto doorashada gudoonka golaha shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka guddoonka Golaha Shacabka, oo hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in ay baaritaan u baahantahay rasaas haleeshay matoorkii qaboojiyaha xarunta uu ku shaqeeyo guddiga.

Xildhibaanka oo sheegay in doorashada gudoonka laga badali doono xarunta Viila Hargaysa ayaa sababta ku sheegay Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sababta ku sheegay in labadii fadhi u dambeysay ee Golaha Shacabka mar lagu soo tuuray Hoobiye shalayna oo xabad lagu dhuftay Qaboojiyaha xarunta Villa Hargeysa oo kuleel badan uu ka dhashay.

Gudoomiyaha guddiga ayaa sheegay in dedaal xooggan ay geliyeen sidii loo baddeli lahaa haanta Gaaska Qaboojiyaha ee Xabadda ku dhacday si aanay u baaqan hadal jeedinta musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS.

"Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday” Ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo soo noqday wasiirka amniga Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray "Waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka”.

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa dhacdooyinkaan is xigxiga ku sifeeyay qorshe lagu damacsan yahay in lagu baajiyo fadhiyadooda si dib loogu dhigo doorashada Dalka oo waqtigeeda kasoo durugtay.

27-ka April ayaa qorshuhu yahay in la qabto doorashada gudoonka golaha shacabka oo waqtigii loo qorsheeyay dib uga dhacay sababo la xiriira khilaafka ka dhexeeya madaxda dowlada Faderaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM