Goodax: "Waan taageersannahay doorashadii Baydhabo"

Image

November 18, 2014 (GO)- Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Cabdulaahi Goodax Barre oo isagu hormuud u ahaa 14 wasiir oo soo saaray qoraal ay Ra'iisul Wasaare Cabdiweli kaga dalbanayaan inuu is casilo ayaa soo dhoweeyey doorashadii shalay oo Isniin ahayd ka dhacday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Goodax oo la hadlay VOA-da ayaa guul ku tilmaamay natiijada kasoo baxday doorashada isagoo dhanka kale hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee maamulka koonfur galbeed Shiriif Xasan Shiikh Aadan.

Mar la weydiiyey sababta uu xilligan usoo dhoweeyey doorashada maadaama markii horeba uu ku jirey dadka dhaliilsan qaabka dhismaha maamulkaas loo wadey islamarkaana taageersanaa go'aankii Dowladda Federaalku shirka ku joojisey, wuxuu sheegay in arintaas wax badani iska bedeleen maadaama markii hore cabsi ka qabeen in arintaasi sii fogeyso khilaafka Muqdisho ka taagan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si weyn uga soo horjeedey in madaxweynaha maamulka koonfur galbeed loo doorto Shiriif Xasan Shiikh Aadan isagoo war qoraal ah oo shalay xafiiskiisa kasoo baxay ku shaaciyey inaysan Dowladdu aqbali doonin natiijo kasta oo shirka Baydhabo kasoo baxda.

Dhanka kale Jawaari oo si marka loo eego Cabdiweli Shiikh dhinacyo badan isku aragti ka yihiin iskana ilaalinaya in beesha caalamka dhankeeda cadaadis xoogani kaga yimaado, wuxuu in muddo ah ka cago jiidayey inuu xildhibaanada baarlamaanka u gudbiyo mooshinka laga keenay wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka.

Taageerada Wasiir Goodax iyo xubnaha kale ee la fikirka ahi u muujiyeen Madaxweyne Shiriif Xasan iyo weliba sida diirran ee doorashada usoo dhoweeyeen waxaa loo fahmi karaa inay ku xumeynayaan Gudoomiye Jawaari maadaama uu ku guul dareystey dhameystirka mooshinka Ra'iisul Wasaaraha laga keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM