Guddiga doorashada Soomaaliya oo guddoon ku doortey Muqdisho

Image
Guddoomiyaha la doortey ayaa xubin ka ahaa ololihii doorashadda Xasan Sheekh ee 2022-dii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Soomaaliya ee dhawaan la sameeyay ayaa guddoomiye u doortay C/kariin Axmed Xasan, iyadoo guddoomiye ku xigeen loo doortay Saadiq Abshir Garaad oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.

C/kariin ayaa waxa uu qeyb ka ahaa kooxda ololaha doorashada 2022-ka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraalo uu soo dhigay baraha bulshadda ayaa kamid ah caddeymaha laga hayo.

Doorashadiisa ayaa dhalisay walaac laga qabo hufnaanta iyo cabsida laga qabo in lagu shubto codadka. Axsaabta mucaaradka ah iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa dareenkooda shaki ka muujiyay magacaabista Cabdikariin, iyagoo ku sababeeyay inuu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha iyo inuu u xaglin karo hannaanka doorashada soo socota.

Waxay ku doodayaan in madax-bannaanida guddiga iyo dhexdhexaadnimada ay muhiim u tahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah, magacaabista Cabdikariinna ay wiiqi karto arrinkaas.

Doorashada C/kariin iyo Saacid ayaa kusoo beegmaysa xilli xasaasi ah, iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha wallow lagu kala qeybsan yahay nooca.

Beesha Caalamka ayaa si dhow isha ugu heysay hanaanka doorasho ee dalka, waxaana qaladaad kasta oo la dareemo ay saameyn weyn ku yeelan karaan xasiloonida siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Xukuumadda Soomaaliya oo ka jawaabeysa tabashooyinkaas, waxay xaqiijisay in guddiga doorashada iyo xuduudaha ay si madax bannaan oo daah-furan u shaqeyn doonaan, magacaabista C/kariinna ay tahay mid ku saleysan kartida iyo khibradda uu u leeyahay arrimaha doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa weli shaki ku jira, waxaana laga yaabaa in toddobaadyada soo socda uu sii socdo muranka ka taagan doorashada C/kariin kaas oo si weyn loogu yaqaanay fariimo uu ku durayo mucaaradka kuna taageerayo xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM

Degganaansho oo Kusoo Laabatay Muqdisho Kadib Labo Maalin oo Dagaal Ah

Dhanka kale, saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sii wada dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 06:40AM