Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Gollaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid heshiis shidaal iyo gaas ah oo lala galay dowladda Turkiga, kaddib markii dukumeenti sir ah oo la helay muujiyay in Turkiga la siiyay 90% dakhliga Gaaska iyo Saliida laga soo saaro xeebaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa heshiiskaas qarsoodiga ah u saxiixday Turkiga sanadkii hore horaantiisa, waxaana Soomaaliya ku helaysa keliya 5% dhaqaalaha, arrintaas oo dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan madaxbannaanida dalka.

Guddigu waxa uu sheegay in Baarlamaanka aan laga war gelin kahor inta aan heshiiska la saxiixin, isla markaana uu heshiiskaasi baal marsan yahay xeerarka iyo dastuurka dalka. Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga dhiidhinaya heshiiska, iyagoo su'aalo badan iska weydiinaya daahfurnaanta iyo danta dalka ugu jirto mar hadii Turkiga uu qaadanayo 90% wax ka badan. Waxay noqotay arin lala yaabey, oo hadal-deyn badan iyo doodo abuurtay.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM