Gudoomiyaha degmada Qardho oo ka hadley mashaariicda degmada

Image

November 15-11-2014(GO)- Gudoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid oo u waramayay Radio Garowe ayaa ayaa sheegey in dhismayaal wadooyin laga hirgalinayo magaalo madaxda gobolka Karkaar kuwaasoo isugu jira Laami iyo carratuur, balse waxa uu tilaamay in socod siinta Mashaariicdaan caqabad ku yayaan qaar ka mid ah shacabka oo aan fahan sanayn danta guud.

Duqa degmada ayaa tilmaamay inay wadaan wacyi galin la xiriirta arimahan si loo socod siiyo mashaariicaha ay ka wadaan degmadaas.

Barnaamijka JPLG oo wadamada midowga Yurub maalgaliyaan ayaa degmooyinka golaha degaanka ka shaqeeyo waxey siyaan tageero dhaqaalo  oo ay ku dhistaan mashaariicda hurumarinta wadooyinka.

Degmada Qardho ayaa kamid ah magalooyinka ka hela mashrucaan JPLG ee wadooyin isugu jira Laami iyo kuwa kale lagu dhiso iyadoo dadweynaha degaanka laga rabo iney maamulka degmada kala shaqeyaan sidii loo hirgalin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM