Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika oo booqasho ku tagey Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Guddoomiyaha oo booqasho shaqo ku yimid dalka ayaa ujeedka socdaalkiisu yahay sidii dowladda Soomaaliya uu ugala arrinsan lahaa arrimaha amniga oo ay ku jirto hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika.

Mudane Maxamuud Cali Yusuf ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya oo ah dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo Qaaradda, tan iyo markii xilka loo doortay ay muujineyso ahmiyadda gaarka ah ee Midowga Afrika uu siinayo Soomaaliya.

Guddomiyaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM