Guterres oo caalamka u diray qaylo-dhaan la xiriirta Soomaaliya

Image
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa hadalkan sheegay xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa "taageero caalami ah oo ballaaran" u dalbay Soomaaliya oo ay wajaheyso "abaartii ugu darneyd muddo tobanaan sano ah".

Antonio Guterres oo Talaadadii lagu soo dhaweeyay caasimadda Muqdisho ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dalka dhaca Geeska Afrika.

Isagoo wariyaasha kula hadlayay shir jaraa’id, Guterres ayaa xusay in uu u joogo Soomaaliya “si uu qeylo dhaan uga bixiyo baahida loo qabo taageero caalami ah oo ballaaran, sababtoo ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dalka uu wajahayo.”

Guterres ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan kamid ahayn dalalka sababay isbadalka cimiladda balse ay kamid tahay dowladaha saameynta ugu xun ay kasoo gaartey.

In ka badan 6.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay soo wajihi karto xaalad halis ah ama cunto yari ka sii daran inta u dhaxaysa bilaha April iyo June.

Sidda ay sheegeen hay'adaha gargaarka iyo Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, in ka badan 223,000 oo qof ayaa la filayaa in ay qarka u fuuli karaan "gaajo masiibo ah".

"Qiyaastii 43,000 oo qof ayaa ku dhintay abaarta 2022 oo keliya - kala bar waxay ahaayeen carruur da'doodu ka yar tahay 5 sano jir," ayay sii raacisay Qaramadda Midoobay.

Tan iyo markii ay bilaabatay abaarta hadda jirta, in ka badan 1.5 milyan qof ayaa ka barakacay guriyahooda kuwaasoo si degdeg ah ugu baahan in ay helaan mucaawino kahor dhamaadka sanadkan 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM