Beesha Caalamka oo Isha ku haysa khilaafka Afar Geesoodka ah ee Somalia

Image

Axad, Nov 16,2014 [GO]- Magaalda Muqdisho ayaa waxaa ka socdey 24 saac ee lasoo dhaafey kulamo kala gadisan kuwasoo diirada saarayay talaabada ku xigta oo la qaadi lahaa mar hadii uu fashilmey kulankii Barlamanka Federaalka Somalia 15 Nov,2014.

Xildhibaanada tageeraya mooshinka xambaarsan xil-ka-qaadista Ra'isal wasaraha Somalia yaa kulamadii ay yesheen waxey cambaareyn dusha uga tuureen gudoonka Barlamanka Federaalka iyagoo baaqyo inuu is-casilo u soo jeediyey Mud. Maxamad Cisman Jawaari madaama uu talaabo ka qaadi kari waayey mudanaayasha diidan in shaqada laga eryo Wasiirka Kowaad Cabdiweli Shiikh Axmad.

Dhinaca kale waxaa kulan qodobo kasoo baxeen wada qaatey Xildhibaanda diidan mooshinka ka dhanka ah Ra'isal wasaaraha kuwaasoo timaamey in talaabo kasta oo xilka lagaga qaadayo Mudane. Cabdiweli Shiikh Axmad tahay mid aan waafaqsaneyn Dastuurka.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamad Cisman Jawaari iyo ku-xigeenadiisa ayaa kulamo kala duwan dhanka kale ku yeeshey magaalada Muqdishu iyagoo maanta looga yeerey halka loo yaqaan Xalane.

Xarunta la yiraahdo Xalane oo ku taal agagaarka garoonka diyaardaha Muqdishu ayaa waxaa dagan wakiilada beesha caalamka ka jooga Somalia halkasoo ay ku yaaliin xeryo ciidan, xafiisyo, guro degaan iyo qaar ka tirsan safaaradaha wadamada reer Galbeedka. 

Wararka diblomaasiyeed ee kasoo baxaya kulankaan dhex marey wakillada beesha caalamka iyo gudoonka Barlamanka Somalia ayaa sheegaya in lagaga hadley mooshinka khilaafka siyaasadeed ka dhex abuurey Xildhibaanada Federaalka iyo saameynta uu ku yeelan karo xasiloonida dalka.

Saraakiil ka tirsan xubnaha ka qayb galey kulankaan ayaa warsidaha GO u sheegey in beesha caalamka gudoonka Barlamanka ka dalbadeen in gabi ahaanba la joojiyo mooshinkaan iyo kuwa kaleba tan iyo inta laga gaarayo doorashada sanadka 2016.

Lama oga sida uu noqanayo go'aanka gudoonka Barlamanka balse warar ku dhow xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa sheegaya in hoos u dhac weyn ku yimid rajadii laga qabey in mooshinkaan noqdo mid la horgeeyo  Barlamanka Federaalka ah iyadoo la eegayo diidamada balaaran ee beesha caalamka iyo Xildhibaanada hortaagan.

Warar kale ayaa sidoo kale xusaya iney soo badanayaan Xildhibaanada diidan in mooshinkaan la horkeeno Barlamanka kuwaasoo cabsi weyn ka muujiyey diidamada beesha caalamka iney sababto xanibaado lagu soo rogo.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa wararka ka imaanya xafiiskiisa sheegayaan inuu isu-diyaarinayo safarka kulanka la filayo inuu ka dhaco wadanka Denmark kasoo lagaga hadli doono sidii wadanka Somalia tageero dhaqaale loo siin lahaa.

Kulankaan ayaa waxaa ku yimi hoos dhac weyn kadib markii dowladda Mareykanka sheegtey iney wakiilo u soo dirasan doonin halka wadanka Denmark baajiyey kulan dhex mari lahaa qurbo joogta Somalida iyo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Magaalada Muqdishu ayaa waxaa ka socda diyaargarow xoogan iyadoo dhinacyada isku haya siyaasada ka fakarayaan talaabada tan ku xigta oo ay qaadi lahyeen madaama la filayo inuu fashil ku yimaado mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'isal wasaaraha kadib markii beesha caalamka culeys saartey guddoonka Barlamanka.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa la filayaa inuu la wareego xilka Madaxweynaha Somalia markaa uu u ambabaxo wadanka Denmarka isagoo la filayo inuu markiiba diirada saaro kulanka Baydhabo ka socda.

Kulanka magaalada Baydhabo uga socda ergada dhiseysa maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta khudbo ka hor-akhriyey Xildhibaan Shariif Xasan isagoo sheegey inuu yahay musharaxa Madaxweynaha ee maamulkaas.

Beesha caalamka iyo wadamada dariska la ah Somalia kuwaasoo wadanka Somalia ka joogaan ciidamo farabadan ayaa isha ku haya siyaasada is-diidan ee Afar geesoodka ah oo ka dhexeysa ' Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra'isal wasare Cabdiweli Shiikh, Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaan Shariif Xasan'.

GAROWEONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM