Hamza Abdi Barre oo sheegay inuu hogaaminaya Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, oo ay weheliyaan xubno muhiim ah oo ka tirsan golihiisa wasiirrada, ayaa diyaarinaya in ay hogaamiyaan weerar culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada maamulka koonfur Galbeed, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhaw Xafiiska Xamza.

Tallaabadan, oo ah mid muhiim ah oo lagu xoojinayo dagaalka, ayaa noqonaysa mid ku saabsan qorshe ballaaran oo la xiriira sidii loo gaari lahaa guulo dheeraad ah, iyadoo xukuumadda federaalka Soomaaliya lagu dhaliilay inay siyaasadeyso dagaalka dalka lagu xoreynayo.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud kawado Shabeellaha Dhexe ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo kooxda xooga isagu geysat bishan inay dib ula wareegto goobihii horey looga saarey.

Sidoo kale, qorshahan ayaa qeyb ka ah in la taageero dadaallada HirShabeelle, halkaas oo sidoo kale la filayo in si wadajir ah loo abaabulo dagaallo qorshaysan oo Macwiisleyda deegaanka ay ku jiraan. Waxaa la sugayaa in Ra'iisul wasaare Hamza Abdi Barre iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay hoggaamiyaan hawlgallada, kuwaas oo la rajeynayo in ay gaaraan guulo waaweyn oo dalka nabad u keena.

Waxaa xusid mudan in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu sii xoogaysanayo, iyadoo dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya ay si weyn ugu biirayaan dadaallada xukuumadda, si amniga dalka loo xaqiijiyo.

Al-Shabaab ayaa lagu arkay inta u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho, iyadoo gaadiidka ku baaraya jidka, kadib markii Kooxda isku dayday inay qarixii Ceel-Gaabta ku disho Madaxweyne Xasan Sheekh 18-kii bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM