Hamza Abdi Barre oo sheegay inuu hogaaminaya Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, oo ay weheliyaan xubno muhiim ah oo ka tirsan golihiisa wasiirrada, ayaa diyaarinaya in ay hogaamiyaan weerar culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada maamulka koonfur Galbeed, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhaw Xafiiska Xamza.

Tallaabadan, oo ah mid muhiim ah oo lagu xoojinayo dagaalka, ayaa noqonaysa mid ku saabsan qorshe ballaaran oo la xiriira sidii loo gaari lahaa guulo dheeraad ah, iyadoo xukuumadda federaalka Soomaaliya lagu dhaliilay inay siyaasadeyso dagaalka dalka lagu xoreynayo.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud kawado Shabeellaha Dhexe ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo kooxda xooga isagu geysat bishan inay dib ula wareegto goobihii horey looga saarey.

Sidoo kale, qorshahan ayaa qeyb ka ah in la taageero dadaallada HirShabeelle, halkaas oo sidoo kale la filayo in si wadajir ah loo abaabulo dagaallo qorshaysan oo Macwiisleyda deegaanka ay ku jiraan. Waxaa la sugayaa in Ra'iisul wasaare Hamza Abdi Barre iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay hoggaamiyaan hawlgallada, kuwaas oo la rajeynayo in ay gaaraan guulo waaweyn oo dalka nabad u keena.

Waxaa xusid mudan in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu sii xoogaysanayo, iyadoo dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya ay si weyn ugu biirayaan dadaallada xukuumadda, si amniga dalka loo xaqiijiyo.

Al-Shabaab ayaa lagu arkay inta u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho, iyadoo gaadiidka ku baaraya jidka, kadib markii Kooxda isku dayday inay qarixii Ceel-Gaabta ku disho Madaxweyne Xasan Sheekh 18-kii bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM