Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo suurta-gelisay in Qaliinkii ugu horeeyay Wadnaha Furan lagu sameeyo Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaliinkii ugu horeeyay oo dhanka wadnaha furan, ayaa waxaa magaaladda Muqdisho ka sameeyay dhakhaatiir Soomaali, Talyaani iyo Itoobiyaan ah, iyadoo arintan ay taabo-gelisay Hay'adda Hormuud Salaam Foundation, iyadoo kaashanaysa Adna Foundation iyo Isbitaalka WellCare.  

Waxaa lagu guuleystay qaliinka oo Sabtidii shalay, waxaan lagu sameeyay Zakariye Cabdulkadir iyo Maida Maclin Tuure , oo nasiib u yeeshay qaliinkan oo lacag la'aan ah, kaasoo markii hore dibadda loo aadi jiray, islamrkaana ay ku bixi jirtay lacag aad u badan. Tani waxay rajo cusub gelisay Carruurta qaba xanuunka wadnaha furan.

Qaliinkan oo ka dhacay Isbitaalka Kalkaal ee Afarta-Darjiino, waxaa hogaaminayay Stefano Maria oo ka socday Isbitaalka Niguarda ee magaaladda Milano, ee Talyaaniga. Qaliinkani wuxuu calaamad u yahay horumar weyn oo dalka ka sameynayo adeegga caafimaadka, oo qaliimada noocan oo kale ah horey aan looga heli jirin.

Waalidiinta oo ku farxay qaliinka loo sameeyay Carruurtooda ayaa u mahadceliyay Hordmuud Salaam Foundation iyo Drs. Edna Moallin Abdirahman oo ka socotay Milan, dalka Talyaaniga, maadaama ay door muhiim ah ka qaadatay abaabulka taageerada caafimaad iyo inay dalka yimaadeen dhakhaatiirta Talyaaniga.  

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegtay inay kafaallo qaadey fulinta adeeggan qaliimadda, si looga kaaftoomo safaraddii dibadda, iyo qarashaadkii badnaa ee ku bixi jiray, waxaana tallaabadan samafalka ah lagu badbaadinayaa ubadka Soomaaliyeed, ee qaba xanuunka wadno-furanka. 

Maamulka Isbitaalka Kalkaal oo ah xarunta lagu sameeyay qaliimadda ayaa uga mahadnaqay Hormuud Salaam Foundation iyo Mamo Adna sida ay ugu howlan-yihiin badbaadinta Carruurta wadna furanka qaba, ee u baahan gargaarka caafimaad. 

"Qaliimadan waxaa loo aadi jiray dibadda, waxaana fulin jiray ajaaniib kaliya, wadanka laguma samayn karin, laakiin Maanta waxay noqon doontaa maalin Taariikhi ah oo arintaas laga kaaftoomay, ururo kala duwan oo ay kamid yihiin Hormuud Salaam Foundation, Adna Foundation iyo Isbitaalka WellCare ayaa suurta-geliyay inay qaliimadan dalka ka dhacaan," ayuu yiri Dr Suleymaan, gudoomiyaha Isbitaalka Kalkaal. 

Dr Caseyr oo door muhiim ah isna ku lahaa howshan, ayaa sheegay in dadaalkan uu ahaa mid mudo soo socday, oo dhinacyo badan iska kaashadeen, iyadoo ugu dambeyntiina noqday Maanta mid mira-dhalay, waxaana qaliimada oo kusoo beegmay waqtiga muhiim ah, ay dabooli doonaan baahiyo badan oo dalka ka jiray. 

Abdullahi Nur Osman, Gudoomiyaha Hordmuud Salaam Foundation HSF oo munaasabadda daah-furka qaliinka ka hadlay ayaa bogaadiyay iskaashiga lagu fuliyay qaliimadda wadna-furanka, isagoo balan qaadey inay sii socon doonaan illaa laga xaqiijinayo helitaanka adeegyada caafimaadka iyo daaweynta casriga ah oo ay heli karaan dhammaan carruurta Soomaaliyeed. 

Mamo Adna ayuu Gudoomiyaha ku amaaney inay dadaalka ay markii hore si shaqsi ah ku billowday, iyadoo degan Milano, Talyaaniga, oo 20 carruur wadna-furanka qaba u qaaday, balse Maanta kadib markii iskaashi iyo taageero buuxa ka heshay Hormuud Salaam Foundation hirgelisay in dalka gudihiisa la keeno Dhaqaatiirta, laguna fuliyo. 

Professor Stefano Maria oo hormuud u ahaa dhaqaatiirta fulisay qaliimada, ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in qaliimadii ay ku sameyn jireen dalka Talyaaniga Maanta ku sameynayaan Muqdisho, oo laga helayo Isbitaal u dhameystiran qalabkii loo baahnaa, isagoo uga mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation, Adna Foundation iyo Isbitaalka WellCare dadaalka ay sameeyeen ee suurta-geliyay barnaamijkan caafimaad. 

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in qaliimadan casriga ah ee ay taabo-gelisay Hormuud Salaam Foundation ay muujinayso in dalka uu gaarayo horumar dhanka adeegga Caafimaadka ah. 

"Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan inta ka qeyb-qaadatay, oo ugu horeeyaan Isbitaalka lagu sameeyay qaliinka ee Kalkaal, Hormuud Salaam Foundation, Adna Foundation iyo Isbitaalka WellCare iyo dhaqaatiirtii nooga yimid Talyaaniga iyo Itoobiya," ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Wasiirka.

Qaliinkani wuxuu ka jawaabayaa baahiyo caafimaad oo weyn oo ka jira Soomaaliya, halkaas oo WHO ay ku sheegtay in sannad kasta ku dhashaan ku dhawaad 6,000 oo ilmo oo qaba xanuunka wadna-furanka, iyadoo kaliya qayb yar oo ka mid ah carruurtaan ay helaan daaweyn sax ah sabab la xiriirta kaabayaasha caafimaad ee xaddidan. 

Taageerada Hormuud Salaam Foundation, ee qaliinkan waa qeyb ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee gudaha, iyadoo la doonayo in daaweynta noocyada casriga ah laga helo Soomaaliya oo hadda kasoo kabanaysa colaado socday in ka badan 30 sano.

Qaliinkani wuxuu sidoo kale astaan u yahay horumar ka socda daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu dejinayaa tusaale wanaagsan oo ku saabsan dadaallada caafimaad ee mustaqbalka, iyadoo aan ka badan 30% dadka dalka ay heli karaan adeegyo caafimaad aasaasi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Finland oo qorsheyneysa tarxiil ballaaran inay ku sameyso Soomaalida ku nool dalkaas

Xisbiga Finns, oo ay ka tirsan tahay Rantanen, ayaa muddo dheer ku baaqay siyaasado adag oo ku saabsan socdaalka iyo muhaajiriinta.

  • Soomaliya

    28-01-2025

  • 05:32PM

Hadalkii Cali Jeyte ee in la ciqaabo Shacabka ku nool Goobaha Al-Shabaab xiisad dhaliyay

Dalalka horumarsan, waxaa caadiyan dadka rayidka ah laga soo saaraa goobaha khatarta ah ka hor inta aan la bilaabin hawlgallada.

  • Soomaliya

    28-01-2025

  • 11:26AM