Heshiis laga gaarey in mooshinka la horkeeno Barlamanka Somalia

Image

Nov 29, 2014 [GO]-Kadib markii kulamo dhexmareen Madaxweynaha dowlada Federaalka, Xildhibnaada diidan iyo kuwa ogol mooshinka, Ra'isla wasaaraha Cabdiweli Shiikh iyo gudoonka Barlamanka Somalia 24-kii saac  ee lasoo dhaafey ayaa wararka Garowe online ka helyso xubno aad ugu dhowaa kulamadaas sheegayaan in heshiis la gaarey.

Kulamadaan ayaa waxaa lagu saarey guddi ka kooban 5 Xildhibaan oo ka tirsan dhinacyadii isku hayey mooshinka kuwasoo u kala dabqaadayey Ra'isal wasaaraha Somalia iyo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Wararka ku dhow wadaxaajoodkaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka iyo xulafadiisa siyaasadeed ku adkeysteen in mooshinka la horkeeno Barlamanka islamarkaana uu qaato fursadiisa taasoo Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh ogolaadey.   

"Waxaa muuqan waydey sabab loogu jiro buuqa ka taagan Barlamanka kaasoo sababi kara in bur-bur ku yimaado hay'adaan sharci dajinta, sidaas-na waxaa garowshiiyo ka baxshey xildhibanaada diidan mooshinka iyo Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh". sidaas waxaa GO u sheegey Xildhibaan diiday in aan xusno magaciisa.

Heshiiska la gaarey ayaa dhinaca kale dhigaya in mooshinka dib loo qaybiyo mar kale Dec 2,2014 oo ku beegan maalinta Talaadada marka kulankaan furmo taasoo fursad siineynsaa iney helaan waraaqahaan Xildhibaanada diidan barnaamijka xil-ka qaadista Ra'isal wasaaraha.

Magaalada Muqdishu ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoogan oo lagu kala xod-xodanayo Xildhibaanada Barlamanka kuwasoo kulamo kala duwan la qaadanaya Madaxweynaha dowlada Federaalka ah iyo Ra'isal wasaaraha.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale qayb libaax ka qaadatey in heshiiskaan la garao madaama ay cabsi ka qabeen hadii murankaan sii socda bur-bur ku yimaado Barlamanka Federaalka ah.

Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka ayaa horey u sheegey in mooshinka laga doodi doono marka heshiis laga gaaro khilaafka u dhexeeya dhinacyada ku muransan siyaasada Villa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM